Kacdoon, iyo iska hor-imaad ka dhashay isku shaandayntii degmooyinka ee dhawaan la sameyey
RJ (Jigjiga) 6-6-2011, ka dib markii dhawaan uu madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley isku shaandhayn ku sameyey maamulada degmooyinka, iyo xafiisyada dakhliga, iyo dhaqaalaha, ayaa waxaa markiiba soo ifbaxaysa ka hor imaad ay xubno ka mid ahi madaxdii degmooyinkay horey u joogeen laga badalay la yimaadeen. Arintan ayaa lagu tilmaamay iney tahay kacdoon cusub oo ay madaxdaa horey u xukumi jirtay degmooyinka hada laga wareejiyey maamulkeeda , ay si toos ah uga horyimaadeen amarka Cabdi Iley ee ah iney iska xaadiriyaan, degmo aysan badanka madaxdani horey u arag, aqoon fiican u lahayn, misana laga yaabo in badankoodaba laguba dilo (shaki kuma jiro in madax badan nabadgalyadooda khtar gali doonto, haday tagaan degmooyinka cusub ee loo wareejiyey), waana sababtan baa la leeyahay, waxa ugu weyn ee ay uga horyimaadeen, amarkaa la siiyey.
Waxaa kaloo jirta in iyana dad badani aaminsan yihiin, in xubno muhiim ah oo si weyn looga qadarin jirey degmooyinkay horey u joogi jireen, badalkooda laga leeyahay, amaba ay isbadalka lagu sameyey tahay in magacii, iyo sumcadii ay hore u lahayeen laga dhigo waxba kama jiraan, waayo degmada cusub ee la geeyey waxaa suuragal ah, in dhib maahine aysan wax soo dhaweyn ah kala kulmin, maadaama qabiilo badani diidan yihiin in nin aan deegaankooda ka soo jeedin uu u higaadiyo, wuxuusan aqoon u lahayn.
Dhanka horumarka hadaan, iyada u leexano, arintan isbadalku waa xagal daacin, iyo laf dhabar ka jabin howlihii horumarka ee horey u socday, waayo masuulka cusubi inta dadka, iyo deegaanka qasabka lagu korkeenay uu baranayo, ama la qabsanayo ayaaba wakhti dheer qaadanaysa, laakiin malaha waxa la sheegayo baabay wax ka jiraan taasoo ah in Cabdi Iley arintani ay ka tahay wakhti kororsi uu doonayo inuu xilkaa aan cidi u dooran kusii badsado. Si kastaba ha ahaatee madaxda durbaba amardiidad la yimid, amaba diidey in naftooda khatar la galiyo, ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyihii degmada Iimay Bari Cabdi Saadaale.
Soomaali wax sheeg lagama waayee dad badana waxayba rumaysan yihiin in isbadalkan uu madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar sameyey, ay taageero weyn oo xaga ciidamada ah u tahay guud ahaan ururka dawlada ethiopia la dagaalama ee ONLF, walise makala cada in madaxweynhu ujeedadan ka leeyahay, iyo inkale, waxaase durbaba soo ifbaxday in nabad diidku ka faaidaystay arintan isku shaandhaynta, dagaalkii degmada galaalshe ka dhacay waa tusaalaha ugu muhiimsan ee loo soo qaadan karo arintan. Gudoomiye Cabdi Saadaale ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay raga degmooyinka deegaanka xukuma kuwooda ugu awooda culus, kabtan Cabdi Ileyna, sida weyn loolan siyaasadeed uga dhaxeeyey, ugu dambayna waxaa dhacday in xabsiga la dhigo.
sida ay sheegayaan warar laga helay dad aad ugu dhaw Cabdi Saadaale, baa ku waramaya in gudoomiuhu si gaar ah dad ugu sheegay in Cabdi Iley doonayo inuu ku wanjalo (shirqoolo) degmada cusub ee loo badalay, taasoo ah, degmada Baarey, kana tirsan gobolka Afdheer.
Waxaa kaloo iyana jirta in laysla dhexmarayo iney madax kale oo badan, laga yaabo iney kacdoon ka dhigaan isbadalkan, lagu tilmaamay mid dano gaar ah laga leeyahay, madaxdaas ayaa la sheegayaa iney ka mid yihiin, gudoomiyaasha degmooyinka Aw bare, QabriBayax, iyo dhawr degmooyin oo kale. Bal iyana aan dhawro in madaxdan dhanka xabsiga loo turaantureeyo, iyo inkale.