
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Internet cafe-yadii magaalada Jigjiga oo cadaadis weyni uga yimid dhinaca dawlada deegaanka
Radio Jigjiga (Jigjiga) February-12-2012, Nacasnimo kasta nusqaanteeday wadataaye!, Internet cafe-yadii magaalada Jigjiga ayuu cadaadis weyni uga yimid dhinaca dawlada deegaanka, cadaadiskan ayaa lagu saaray iney soo sheegaan oo aad ula socday shacab weynaha soo booqda meelaha Internetka laga soo galo ee sida gaarka ah loo leeyahay kuna kala yaala deegaanka gaar ahaan caasimada Jigjiga.  Sida warka nalugu soo gaadhsiiyey, waxaa jirta in dad badan oo basaasiin ah loo shaqaaleeyey iney soo jaajuusaan dadka soo booqda goobaha internetka laga soo galo ee wararka, iyo waxbarasho kale ka soo kororsada macluumaadka aan miisaanka lahayn ee ay internetku xambaarsan tahay. Dad basaasiinta ah ayaa laga soo abaabulay xafiiska lagu sheego sirdoonka deegaanka ee sida sharci darada ah u hoos taga xafiiska Cabdi Iley. Waxaa kaloo jirta in goobaha ganacsiga ee internet cafe-ga loo yaqaano si' gooni ah loo diwaan galiyey, iyadoo walibana loo sheegay iney iyana dhankooda ka soo gudbiyaan shaqsiyaadka ay uga shakiga qabaan iney soo booqdaan boggaga uu Cabdi Iley sida weyn u neceb yahay isla markaana cabsida siyaasadeed ka qabo, sida boggan raadio jigjiga oo runtii maamulka Cabdi Iley ku noqday xumad, iyo qandho waabaryaba taagan, sidoo kale ayaa basaasiinta lagu wargeliyey iney bogga hurda la'aanta ku riday Cabdi Iley ee Kilil5 soo gudbiyaan dadka soo gala.
Hadaba arintan ayaa dhibaato dhaqaalo xumo ah u keentay mulkiilayaashii lahaa goobahaas internetka laga soo galo, taasoo lagu soo waramayo iney goobo badani ku talo jiraan ineyba iska xidhaan ganacsigaas lacagta badani ka gashay samayntiisa markii hore, iyadoo ay Cabdi Iley, iyo kooxdiisa saska, iyo waalidu ku dhacday ee misana caga-jugleynta, iyo basaasnimada ladaba jooga waagii baryaba.
Baryihii hore, waxaa jirtay in shacabweynaha ku nool magaalada Jigjiga ay si xornimo leh u soo gali jireen, hadba bogga doonayaan iney booqdaan, haduu boggaasi yahay mid mucaarada, ama muxaafad ah, balse taniyo intuu Cabdi Iley xukunka yimid, misana kacdoonadu ka bilawday meelo badan oo dunida ka mid ah siiba Waqooyiga Afrika, ayey dawlada Itoobiya soo xakamaysay arimaha internetka, iyadoo isna uu dhinaciisa Cabdi Iley si sharci daro ah ugu darsadey boggaga shacabka u sharaxa maamul xumadiisa, musuqmaasuqa maamulkiisa, iyo qaraabo-kiilnimada.
Waxaa kaloo jirta in gacan yaraha Cabdi Iley u qaabilsan dhinaca handaada, iyo caga-jugleynta waa ninka lagu magaaco Cabdulaahi Itoobiya, oo isaga lagu sheego kan sida goonida ah loogu direy waxyeelayan, iyo bahdilka reer Jigjiga, uu shaqsiyaad qurbo joogta ka mid ah u xil saaray iney soo basaasaan dadka laga yaabo iney xidhiidhka la leeyihiin boggan, RJ, iyo qoraaheeda, waaba haday jiraane, basaasiintan ayaa nin ka mid ah naloogu sheegay in lagu magacaabo Maxamuud Sheekh Indha Case, basaaskan oo sida lawada ogyahay caruurtiisii uga cararay qabowga daran ee hada ka dhacaya gobolka Minnesota, ninkan ayey beelaha Jidwaaq ku eedeeyaan inuu danihii reerkiisa, iyo dadkiisiiba ka door bidey inuu Jigjiga uga dhex basaaso ardayda wax ka barata jaamacada, iyo iskuulada Jigjiga, ama cidii kale ee dooneysa iney wax ka kororsadaan aqoonta ku jirta internetka.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |