Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Jaaliyadaha Turkiga, iyo kuwa dalka Soomaaliya oo kulamo ku leh dalkan Maraykanka

Radio Jigjiga (Washington) jaaliyadaha dalalka Turkiga, iyo Sooomaalida ee ku kala nool dalkan Maraykanka, ayaa kulamo isbarasho ah ku leh magaalada Washington.
Shirkan ayeye soo wada qaban-qaabiyeen, xubno ka tirsan jaaliyada dalkaas jamhuuriyada Soomaaliya, iyo xubno ka tirsan, jaaliyada Turkiga ee maraykanka.

Sida hadaba warku sheegayo, shirkan, ayaanTurkiga lahayn muhiimad siyaasadeed, balse waxaa la rumaysan yahay, in baryahan dambeba ay dawlada Turkiguu si weyn u danaynayso, ku soo noqoshada dhulkii ay xukumi jirtay, Boqortooyadii ugu dambaysay ee dalka Turkiga, loona yaqaano Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Dhulkan ayaa ay Soomaaliya ka mid tahay, dalalka ku yaalo.
Ra'iisul wasaraha dalka Turkiga Tayyip Erdogan, ayaa lagu sheegaa inuu yahay, nin si weyn u danaynaya arimaha geeska Afrika, waxaana la xusuustaa inuu yahay, madaxa kaliya, oo isla markaana ka socday dawladaha ku bahoobay gaashaan buurta Nato, ee tagay magaalada Muqdisho, laba bilood ka hor. 

Si kastaba ha noqotee, shirkan ayaa ay ka soo qayb galeen, ganacsato ka socota dalka Turkiga, sidoo kalena waxaa shirkan ka qayb galaya xubno ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka, ama Senate-ka.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.