
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Jaaliyada beesha Jidwaaq, ee North America oo cambaareeyey, falkii foosha xumaa ee ay Cabdi Iley, iyo gacan yarahiisu kula kaceen shacabka deegaanka Dhigriiley
War murtiyadeed caawa naga soo gaadhay jaaliyada beesha Jidwaaq Absame ee waqooyiga Ameerika, ayaa lagu sheegay in beeshu si weyn u cambaareynayso falkii fulaynimada, iyo ku shirqoolka ahaa ee lagula kacay, shacabka nabada jecel ee deegaanka Dhigriiley ee gobolka Dhagaxbuur Sida lagu sheegay warmurtiyeedkan, ayaa si buuxda loogu cambaareeyey Cabdi Iley, iyo gacan yarahiisa, ninka loo soo wakiishay inu lagu xasuuqo, isla markaana lagu xidh-xidho beesha Jidwaaq, waa damiir laawaha lagu magacaabo Cabdi Laahi Itoobiya, ee ku magacaab hogaanka nabadgalayada.
Hadaba sida warmurtiyeedkan, lagu soo sheegay, waxaa dhacday in koox ka tirsan ururka onlf, gaar ahaan, garabka uu hogaamiyo Cabdi Iley, ay qafaasheen nin dhalinyaro ah, oo deegaanka Dhigriiley ka tirsan, dabadeedna intay si xun u soo jir dileen, ka dibna sidaas, lagu yidhi onlf, baa Dhigriiley soo gashay, markaa ka dibna, ay Cabdi Iley, iyo C/laahi Itoobiya isku dayeen, iney siday horeyba u xasuuqeen odayaashii beesha Yaasuf, reer Dhigriileyna, loo xasuuqo, taasoo ay u yeedheen ciidamada Milatariga ee dawlada dhexe, iyagoo sidii cadaadad u ahayd u sheegaya been ah, iney onlf joogto halkaas. Qoraalka ku saabsan odayaashii beesha Yaasuf, iyo sidii loo xasuuqay halkan ka akhri.
Markii hadaba ay ciidamadii dhigriiley gaadheen, ayey indhahooda ku arkeen, ineysan haba yaraatee wax onlf, ahi meesha joogin, ka dibna waxaa dhacday in C/Laahi Itoobiya uu ku adkaystay, dhawr, iyo toban nin, oo runtii ah dadka xoola dhaqatada ah ee meesha degan, ayba iyagu yihiin onlf-tii uu raadinayey, dabadeedna sidaas nimankii jeelka magalaada Araarso loo keenay. Inkasta oo hadaba warku sheegayo, in nimankii ay ciidamadu markii dambe iska sii daayeen, hadana waxay marag ma doonto u tahay, u goodintii uu baryahanba waday argagixiso Iley.
Dhiigya Cab Iley, ayaa lagu xasuusta inuu sidan oo kale, hada, iyo jeer u xasuuqi jiray shacabyada reer Dhagaxbuur, iyo Qoraxay, isagoo hadba beelaha ay waalidiisu u sheegto ineysan xukunkiisa jaahilnimada ku dhisan, aysan rabin, uu isna si naxariis daro xasuuq xun kula kaco, ninka nocaas oo kale ah, masuuul ma lagu sheegi karaa?. Waxaana lagu wargalinayaa iney shacbiga deegaanku feejignaan dheeri ah u yeeshaan, ninkan, iyo gacmo yaraayaashiisa uu gobolkoodii dhacay.
Cabdi Iley, ayuu nin qoraa ahi, nooga soo digey, inuu ku talo jiro, siduu aargoosi ugula kici lahaa dadka uu neceb yahay, amaba rumaysan yahay, iney yihiin dad fayow oo aan isaga waalida la qabin.
Ugu dambeyn jaaliyada ayaa uga digtay, Cabdi Iley, iyo gacmo yarayaashiisa, in si fiican loola socdo talaabo kasta oo ay qaadayaan, wakhti dhowna sharci, iyo xisaabtan culusi uu deegaanka imaan doono.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |