Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Dawlada Kenya, iyo maamul goboleedka Azania oo kaalintoodii dib u xoreynta ka gaabiyey

Radio Jigjiga (Nairobi) 01-January-2012, Kadib markii ay dawlada Soomaaliya la wareegtay gacan ku haynta caasimada gobolka Hiiraan ee Beled Weyne, iyadoo gacan ka helaysa ciidamada Itoobiya, ayaa sida warku sheegayo ay shacabkii aad u soo dhaweeyeen, xoreynta laga xoreeyey ururka Al-Shabaab, oo aan laga taageersanayn deegaanadaas.
Ciidamada dawlada Itoobiya, ayaa gacan weyn ka geystay ka saarida ururka Al Shabaab ee magaalada Beled Weyne, taasoo markii ugu horeysay mudo ku dhow afar sanandood ay dawlada Soomaaliya gacanta ku dhigtey, sida idaacadaha caalamiga laga sheegeyna shacabka deegaankaasi aad bey u soo dhaweeyeen, ka saarida ururkaas ee gobolka Hiiraan.

Balse, maamul goboleedka Azania oo gacan ka helaya ciidamada kenya, ayaa iyana dagaal culus kula jira isla ururka Al Shabaab, oo gacanta wali ku haya inta badan ee gobolda Jubada Dhexe, gedo, iyo Jubada hoose.
Hadaba inkasta oo ciidamadan ka soo hor jeeda Shabaabku ay la kulmeen xiligii roobabka, ayeyse wali u suuragalin iney dhul, ama magaalooyiin la taaban karo ka saaraan ururka Al Shabaab.
Dad badan ayaa rumaysan in dadlada kenya aysan wali la imanin hab milatary oo aad u qeexan, kaasoo keeni kara in ururkan si fiican looga saaro goboladaas sadexda ah.

Sidoo kale, ayeysan dhinacooda qaab ciidan oo dhul qaban kara u habeysneyn maamulka goboleedka Azania, taasoo hadii aysan qorshe maamul la imanin, hadhow dhibaato uga iman karto dhinaca dawlada Sheekh Sharif, oo ka caga jiidaya iney taageero buuxda u fidiyaan maamulka Azania, walibana waxaa dhici karta in cudud ciidan lagu maquuniyo, maamul goboleedka Azania, hadii aysan intay goori goor tahay iskood iskugu tashanin.
Waxaase la filayaa iney dawlada Kenya, iyo Azania oo is kaashanaya ay waayo aragnimo ciidan ka kororsan doonaan, sida ay dawlada Itoobiya uga hawl gashay gobolka Hiiraan, iyo deegaanada u dhow, taasoo keentay in ururkii sida weyn looga cabsan jiray, ay cagaha waxka dayaan, iyadoo si cad loogu xoog sheegtay!.



(Happy New Year)
 


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.