Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

 
Isku shaandhayntii dhawaan lagu sameyey degmooyinka kala duwan ee deegaanka Soomaalida, iyo Siyaasada qotada ee ka dambeysay

Jigjiga (RJ) 31-May-2011. Sida lawada ogyahay waxaa dhawaan isbadal lagu sameyey gudoomiyaasha degmooyinka deegaanka, iyo gudoomiyaasha xafiisyada horumarka iyo dakhliga sida xafiiska maaliyada. Arintan oo la sheego ineysan madaxdii horey u xukumi jirtay dawlada deegaanka aysan waligood samayn, ayaa markii lagu dhawaaqay isku shaandhayntan, ay kolkiiba shaki badan ku abuurtay siyaasada shakiga badan ee deegaanka lagu dhaqo.
Tooshka Lixqaadka Ah
Hadaba shakigaa ka dhashay arintan ugubka ku ah xukunka, iyo maamul u samaynta degmooyinka kala duwan ee deegaanka ayaa markiiba la iswaydiiyey waxa wakhtigan hada ah keenay isbadalkan aan horey loo sii shaacin, dad badana waxay u arkeen in madaxweynaha deegaanku uu ka hortagayo mucaaradnimadii, iyo iskhilaafkii ka dhasay degmooyinka uu dhawaan madaxweyne Cabdi iley sameyey, ee iyana lagu tilmaamay iney ahayd cadaalad darro lagula kacay qaybo ka mid ah beelaha deegaanka.

Si kastaba ha noqotee waxaa iska cadaatay in isku shaandhayntan laga lahaa arin siyaasadeed (politically modified agenda ) waayo markaad fiirisid qaabka loo sameyey isbadalkan waxaad arkaysaa degmooyinka dhaqaalaha, iyo dakhliga culusi ka soo galo dawlada deegaanka sida degmooyinka Aw Bare, Jigjiga, iyo Baabuli, uusan madaxweynaha deegaanku wax qarsoon, ama sir ah ka dhigin masuuliyiinta loo dhiibay, iyo degmaday iyagu markii hore ka soo jeedeen, (halkan ka akhri isbadalka degmooyinka lagu sameyey, iyo magacyada masuuliyiinta, adigoo isha aad ugu haya gobalada, Qoraxay, Jigjiga, iyo Shiniile).

Somali-region-mapWaxyaabaha laga bartay isku shaandhayntan waxaa ka mid in dhamaan siduu u dhamaa gobolka Qoraxay la kor keenay degmada Jigjiga, halka iyana degmada xadka ku taala ee Aw Bare, iyana la kor keenay masuuliyiin madaxweynaha aad ugu dhaw xidhiidh hoosena la leh, lana socda degmadan waxaa hoos yimaada kastamka canshuuraha ee Tog Wajaale, sidoo kale degmada beeraha, iyo dhaqalaha badan ee Baabuli iyana waxaa loo magacaabey saxiibada maamulka.

Dhinaca kale waxaa iyana iska cad, ineysan arintan isku badalku waafaqsanayn habka dimuqraadiyada ee la sheego iney dhamaan shucuubta ethiopia isku maamulaan, ma Somali region kaliya baa lagu maamulaa habkii kalii-taliska ahaa ee dawladii dad xasuuqe Mingistu ku dhaqmi jirey, maamulaas Mingistu Xayle Maryan oo sidaad la socotaanba caan ku ahaa dulminta shucuubta kala duwan ee dalkan Ethiopia, dulmigaas oo ay ka mid ahayd in masuul laga keenay Gondhor madax looga dhigo Aw Bare, ama Godey.

Mise arintu waa qabsasho, iyo naasnuujin, la doonayo in dad gaar ah loo sameeyo, si dhaaqale ahaan looga kor mariyo beelaha kale, aakhirkana loogu hayo xukun joogto ah, tani waa dhacdo naxdin leh, balse nasiib daro waxay u egtahay iney arintu sidan ku socoto.
Waxaa kaloo jirtay in dhawaan laysla dhex marayey magaalada jigjiga in degmadii dhawaan Cabdi Iley magacaabay ee loogu magacdaray Gol Jano (Galalshe) la doonayey in lagu daro gobolka Jigjiga, macnaha in ay degmadan cusubi ka mid noqoto degmooyinka gobolka Jigjiga, taasoo baa la yidhi u saamaxaysa in beesha madaxweynaha deegaanku ka soo jeedo ay degmo ku yeeshaan gobolka Jigjiga, tasoo ugu dambayn u sahlaysa la wareega gabi ahaanba magaalada Jigjiga.
Wali ma kala cada gobolka la raaciyey degmadan habka qabiilaysiga ah loo magacaabay ee Gol Jano (galaalshe).

Ugu dambayn waxaa muhiim ah in ay siyaasiyiinta, iyo dhamaan waxgaradka ka soo jeeda deegaanku aad uga taxadaraan siyaasada ay wadaan masuuliyiinta wakhtigan hogaanka u haya deegaanka, taaso hadii aan laga hor tagin keeni karta in isdulmin, iyo xadgudubyo waaweyni ka dhashaan deegaanka.



 
  

Hashii garawo
R
adio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga, iyo calanka dawlada deegaanka


Radio Jigjiga (Jigjiga)  8-8-2011, Radio Jigjiga oo ugu danbeyn soo helay xogta, iyo shaqsiga ka danbeeyey in hasha lagu daro calanka xisbiga ee deegaan. Warkii oo Dhan
Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha
Sadexdan madaxweyne
A
wood qaybsiga madaxweyne Cabdi Iley, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno oo la shaaciyey


Radio Jigjiga (Jigjiga) Awood qaybsiga, iyo wada maamulka hayadaha dawlada ee madaxweynaha, iyo sadexda madaxweyne ku xigeeno, ayaa markii ugu horeysay la shaciyey. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.