Isbadalo cusub oo lagu sameyey ciidamada liyuu booliska Radio Jigjiga (Jigjiga) Ciidamada liyuu booliska ee deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku socotay dib habayn xaga maamulka, iyo gud ahaan sidey u hawl galaan ah. Sida warku sheegayo, waxaa magaalada Jigjiga ku sugnaa saraakiil, xaga dawlada dhexe ka socday, oo uu hogaaminayey, taliyaha guud ee ciidamada dawlada Itoobiya General Samora Yunis, waftigan oo iskugu jira saraakiil ciidamo, iyo siyaasiyiin kale ah, ayaa guud ahaan dib habayn, iyo dib u dhis ku samaynayey ciidamada liyuu booliska.
Ciidamada liyuga oo baryahan dambe, ay dabacsanaan, iyo eed sheegasho badani ka jirtay, inta badana dadweynaha deegaanku aad uga cabanayey hawlgalada ay sameeyaan, ayaa lagu soo waramayaa in badankooda xerooyin gaar ah layskugu geeyey, taasoo loo bilaabayo tababar, iyo dib dhis ciidamadeed.
Waxaa kale oo uu warku intaa ku darayaa in maamulkii, iyo maareyntii ciidamada liyuu booliska laga wareejiyey madaxweynaha deegaanka, walina lama carabaabin shaqsiga la hoos geeyey maamulka ciidamada liyuuga. Maamulka ciidamada liyuuga, ayaa madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, u ahayd awooda u saamaxda inuu si buuxda u kontoroolo gabi ahaanba dawlada deegaanka, iyo waaxyaheeda kala duwan.
Ugu dambeyn madaxweynaha deegaanka ayaa, maanta oo isniin ah ku sugan, magaalada Addis Ababa, ee xaruunta u aha dalweynaha Itoobiya, lamase garanayo in tagidiisa Addis, ay lug ku leedahay isbadalkan,lagu samayey ciidamada liyuuga, iyo wareejinta, isaga laga wareejiyey maamulida liyuuga.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan