Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
Waxaa dad badan sheegaan in Cabdi Ilay boob qaawan kuhayo hantida dadweynaha ugana faa`iideeyo qaraabadiisa hoose, marumaysnaan jirin Ila a aan ka arkay qoraal kusoo baxay cakaaranews oo lagu sheegay nin yurub kayimid maalgashina kawada wadanka isagoo ay sheegeen in ninkan lagu magacaabo Ahmed haybe Mohamud. Waxaan degenahay wadanka Garmalka aqoon fiican ayaanan u leeyahay nin isaga ah balse aan gudagalo taariikhdiisa oo kooban. Wa kuma Ahmed haybe, xaguu degen yahay muxuu ahaa, maxaa kadhaxeeya isaga iyo Cabdi Ilay waa su`aalo u baahan in cabdi Ilay jawaabahooda iswaafajiyo. Ahmed haybe Mohamud waa nin ay qaraabo yihiin cabdi Ilay deggena wadanka Jarmalka gaar ahaan magaalada Offenbach,wuxuu dhalashada wadanka qaatay muddo laba bil iyo badh laga joogo ama sadex bil. Waxaa sharci ah in aad shaqaynaysid marka aad codsi basaboor samaynaysid, wuxuuna kashaqaynayay shirkad nadaafadeed, kadibna markii sharcigu u soo baxay waxaa sidaan maqlay u gacan haadiyay seedigii/oryawalana ay yihiin sidaas ayuuna ku baxay.
Maxay isu yihiin isaga iyo Cabdi Iley
Axmed haybe, iyo ina Iley waa xidid hoose, qaraabo kalena wey yihiin. waxaan aad u qoslay markaan arkay hoteelka la sheegay in Ahmed haybe dhisayo waayo haybe isaga aayaba dawladda Garmalku masruuftaa oo kirada kabixisaa sidee ayuu hoteelkaa kudhisan karaa maxaase kuqasbay in uu nadaafad kashaqeeyo haduu lacagtaas Garmalka kala yimid, waxay dad badan oo xog ogaal ah ii sheegeen in ay Hoteelka shiraako kuyihiin Cabdi Ilay iyo haybe, laakiin lacagata uu bixinayo isla Cabdi Iley, Haybana magaciisa laga faa`iidaysanayo. Arintani waa musuqmaasuq, iyo dhaca hantida shacabka tii ugu xumayd, waana in si deg deg ah wax looga qabto, loona baadho. waxaa kale oo muuqata in Ilay onlf yahay maxaa yeelay Ahmed haybe wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo onlf ah qaaraankana bixiya meel uu kaga baxayna onlf mamaqlin, marka sheekadu ma la jiifiyaana banaan baa.maxaase ina Iley gabdho yaryar, iyo wiil uu maalin walba tuhun ugu xidhaa iyo waa onlf midkii aan naqaanay ayaaba la joogee yaa sheekadan laga gadayaa?.  Waxaa dacwad lagu wadaa wasiiradii isaga la shaqaynayay oo qaarkood waa onlf la leeyahay iyadoo danno gaar ah laga leeyahay, wuxuu eryay Dr ahmed sheekh oo ummdda shaqo fiican u hayey, wuxuu daba socdaa wasiirka shaqada Cabdifatah sheikh oo dhowr jeer noogu yimid wadanka Jarmalka si eex la`aan ahna ummdda ugu shaqeeya qof qoyskiisa ahna uuna waxba ku sheegan karin. Waxaa hada iska cad inuu Cabdi Iley madaxdaas dalkooda shaqada fiican u haysay, sababta uu shaqada uga qaaday iney ahayd, si isaga ugu dhib yaraato dhicida, iyo boobka uu ku hayo hantida deegaanka. Haddaba waxaa laga rabaa qurba joogta deegaanka iney ka hadlaan, iskana qabtaan kooxdan bililiqada, iyo dhaca ku jirto ee uu hogaaminayo tuugga weyn ee ina Iley. waa inuu Cabdi Iley, iyo axmed haybe jawaab ka soo bixiyaan arintan.
Tani miyayna ahayn boobka la sheegayo ee ay Jigjiga ka wadaan kooxdan boobka, iyo dhaca hantida shacabka u soo shaqada tagey. Waxaan rabaa Ina Iley in aan u cadeeyo qodobada sooscda in aan ku dhaqaaqi doono hadii aan waayo jawaab i qancisa. 1-in aan laxiriiri doono safaaradda Itoobiya ee Jarmalka u sharxi doono meesha waxa ka socda iyo in onlf-tii ugu waaweynayd ay heoteelo ka dhisanayaan deegaanaka, iyagoon wax nabad ah qaadan.
2-in aan wici doono xafiiska shaqada ee magaalada Offenbach una galin doono Ahmed haybe mashaariicda iyo hoteelada uu kawado Itoobiya hanti fara baddana uu haysto taas oo kalifi karta in muddadii ay dawlada Jarmalku biili jiray oo dhan dib loogu soo dalaco.
3-in aan qoraal u diri doono wariyayaasha wadanka sweden una sheegi doono in dawladda deegaanka ee madaxda ka yahay Cabdi ilay iyo onlf wada shaqeeyaan, arin loo cuskan karanna ayna ahayn wariyayaashu urur argagixiso ah ayay la shaqaynayeen,iyo qoraalka ugu danbeeya oo aan u gudbin doono xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya uguna sharaxi doono sida wax u jiraan hadii uusan arinkan wax ka qaban ah in madaxweynahan boobayo hantidayadii isagoo waliba siinaya kuwuu lahaa waa argagixiso waxaan ku soo gunaanadayaa dad badan oo reer Jarmal ah ayaa fikirkan ila qaba saluugsanna sida wax u dhacayaanm laakiin haysta maanta meel ay ka duulaan, waxanse kuus heegayaa haddii aad isku daydo in aad loogada kasaarto ogow in la kaydiyay, ayayda unbaana lashaqa tageynaa, taasina adiaga ayaa jawaabteeda bixinaya.
"Fariin ku socota Qurba Joogta, kana socota bahda RJ"
Hadaad haysaan cadaymo muujinaya boobka kooxda Cabdi Iley, fadlan soo gudbiya, sida uu qorba joogahanba hantidiisa, iyo xaqa dadkiisa u daafacay. Soo gaadhsiinta RJ, arimahan oo kale, iyo soo tabintoodu, waa talaabada koobaad ee halgankeena, waana idinku waajib muqadas ah. Ha yeelina in si qabiilaysi, iyo beelaysi ah laydiinkaga kor boodo, idinkoon cidina idiinkaga xaq lahayn, wax walba bahda RJ, baa idiin soo diyaarisay, xaqaaga u dagaalan!. Markaa fadlan la xidhiidha Booliska dawlada dhexe (Ethiopian Federal Police) (halkan riix), e-mail aad u farabadana u dira, markaad bogga gashaan dhinaca bidixda ka fiiriya luuqada Ingiriiska, idinkoo walibana carab dhabaya shaqsiyaadka aad shakiga ka qabtaan, iyo dalalka ay baasboradooda wataan, hurdada u diida Cabdi Iley, iyo koox bililiqo, kacdoon muuqda aynu samayno. -mahadsanidin- maamulka RJ.
Soo fashilaha arintan:
realname: Ahmed frah email: ahmedfrah23@yahoo.com
Halkan ka akhri sida arinta Hotelka loogu soo qoray cakaaranews, hadii Cakaaranews laga saaro ka akhri bogga lagu kaydiyoFashilaada Kabtanka, iyo kooxdiisa.
|