
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Hawl galkii maamul goboleedka Azania, oo si weyn iskugu duba dhacay
Radio Jigjiga (Nairobi) Maamul goboleedka Azania, oo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, halgan ugu jiray isa soosaarista, iyo aqoonsi u helida maamulka, ayaa ugu dambeyn xaga eebe laga aqbalay. Hawl galka ay dawlada kenya, ku gashay gudaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay, inuu noqday furihii, ama bilawgii taageerada maamulka Azania.
 Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka, Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa si weyn iyana u taageeray dawlada Kenya, iyo ciidamadeeda ay u dirtay koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale ayaa ay dawlad goboleedka Azania, todobaadkan dhexdiisa heshay guul siyaasadeed (diplomatic success) ka dib markii dawladaha ku midoobey ururka midnimada Yurub, si buuxda u taageereen, hawlgalyada lagu taageerayo iney dawlad goboleedka Azania la wareegto koonfurta Soomaaliya. Waxaa kaloo xusid mudan, in dawlada Maraykanku ay si hagar la'aan ah u taageertay u adeegida ay dawlada Kenya, u adeegayso maamulka Azania.
Waxyaabaha looga fadhiyo iney madaxda Azania qabtaan
Waxaa si gaar ah looga baahan yahay madaaxda Azania, iney marxalada hada taagan ka faaiideystaan (to capitalize the situation) taasoo si gooni ah looga fadhiyo, iney marka ugu horeysa gacanta ku dhigaan maareynta wararka dagaalka, iyo guud ahaan ra'yiga dadweynaha ee ku tacaluqa hawl galka ciidamada, Waa inuu madaxweynaha maamulka Azania, Prof. Gandhi, uu saxaafada siiyo warbixin maalin leh, ah , ama labadii maalinba. Sidoo kale, waa in madaxda kale ee ururada dagaalka ku jira la mideeyo, sida ururka Raaskaambooni oo kale, waa in si buuxda loogu magacaabo iney dhamaantood yihiin, ama ka tirsan yihiin, ciidamada Azania, waxaan ciidamada dawlada Kenya, iyo kuwa Azania, ahayni, waa in meesha haba yaraatee aan laga maqal, kula lihi, iyo dadka ku shaqeysta, waa in meesha laga saaro, kooxaysi,, iyo kala qaybsanaan.
Dhinaca kale, waa in beelaha kale ee aan beesha deegaanka ugu badan, ama beesha Absame ahayn, iyana laga dhex arko siyaasada, iyo guud ahaan hawl galada. Si kastaba ha noqotee, waa inaan marnaba la ogolaan inuusan hawlgal kani noqonin, mid fashilma, ee waa in geed dheer, iyo mid gaabanba loo koro, siduu u guuleysan lahaa qorshahani.
Dhanka siyaasiyiinta u dhashay beelaha dega, gobolada hoos taga, maamulka Azania, waa in loola dhaqmo sidii mid qorshaha Azania, taaageersan, ama mid ka horjeeda (Foes or friends identification). Siyaasad ahaan, arintani waxay xakamayn, ama ay si weyn u yarayn doontaa in fashilan yimaado, isla markaana dad aan qadiyadan daacad u ahayn, ay hogaanka hawsha qabtaan. Waxaa kaloo iyana muhiim ah, in qorshaha lagu daro sidii laga yeeli lahaa qab-qablayaashii horey deegaanka jubooyinka uga talin jiray, sida Bare Hiraale oo kale. Waa in aan marnaba, wixii qab-qablayaashaa ka jooga loo ogolaan, iney faraha la soo galaan hawlaha maamulka cusub.

| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |