Haweenay uu hada ka hor kufsi, iyo fara-xumayn kula kacay madaxweynaha deegaanka oo dalka Sweden timid
Radio Jigjiga (Stockholm) War degdeg ah, oo naga soo gaadhay dalka Sweden, gaar ahaan magaalada weyn ee Stockholm, caasimadana u ah dalkaas, ayaa naloo sheegay iney timid gabadh u dhalatay deegaanka, oo nalagu soo war galiyey, inuu hada ka hor madaxweynaha deegaanku ku fara xumeeyey, isla markaana uu ku kufsadey baadiyaha degmada Dhagaxmadow ee gobolka Dhagaxbuur. Sida lawada ogyahay, Radio Jigjiga, kama hadlo, amaba qoro, nolosha gaarka ah ee madaxda deegaanka (their private lives), hase yeeshee, waxaan u aragnay arintani iney tahay, arin ay dambi tahay qarinteedu, isla markaana ay waajib ku tahay suxufiyiinta deegaanka iney wax ka qoraan, baadhis suxufina ku sameeyaan.
Hadaba sida warku nagu soo gaadhay, gabadhan ayaa laga soo dhoofiyey, xero ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee ku yaal dalka kenya, xeradan oo lagu magacaabo IFO, ayey gabadhani soo gashay sadex sano ka hor.
Waxaa hadaba dhacday in madaxweyne Cabdi Iley, xiliguu ahaa gudoomiyaha hogaanka nabadgalyada, uu dagaal ku dhexmaray, ciidamo uu isagu hor kacayey, iyo ciidamo ka tirsan ururka onlf, gobolka Dhagaxbuur, gaar ahaa duleedka degmada Dhagaxmadow, ka dibna waxaa dhacday in Cabdi Iley, dagaalka ka dib uu dadweynihii deegaankaas meel iskugu keenay, ka dibna uu ciidamaduu hor kacayey, uu amar ku siiyey iney kufsadaan dhamaan gabdhihii tuulada, sidaasna ay fool xumadaa naxdinta lihi meeshii uga dhacaday. Waxaase dhacday, in Cabdi Iley, loo sheegay iney tuulada ku nooshahay, gabadh ay walaalo yihiin, nin ku jira golaha dhexe ee ururrka onlf, isla markaana uu gabadhan qabo, nin isna ka tirsan ciidamada onlf, markii intaa loo sheegay ayuu Cabdi Iley, raadiyey gabadhii, ka dibna sidaasuu gabadhii ku kaxaystay, isagoo ku qaatay, gaadhi uu watay, ka dibna lagu soo waramayo inuu bilaabay, fara xumayntii, iyo kufsigii uu gabadhaas kula kacay, kaba sii darane, waxaa dhacday, kufsiga ka dib, inuu isku dayey inuu khaarajiyo qofkaa dumarka ah ee uu dambiile Cabdi Iley waxaas waxashnimada ah kula kacay, laakiin waxaa dhacday in nin sarkaal booliis ahi, uu ka badbaadiyey in la dilo, sidaasna reerkoodii dib ugu soo noqotay, waxaase dhacday in qofkaa dumarka ah uu uur ku soo baxay, dabadeedna ay sidaa ku gashay xeryaha qaxootiyada ee ku yaala dalka kenya, ugu dambeyna ay sidaa lagu geeyey dalka Sweden.
Cabdi Iley, ayaa la sheegaay inuu dilay ninkii sarkaalka booliiska ahaa, ee misana goobjooga ka ahaa, markuu kufsanayey gabadhan. ugu dambeyn; gabadhan, ayaa wakhtigan hada ah, wiil yar oo afar jir ah ku haysata dalka Sweden, markaa wuxuu Radio Jigjiga balan qaadayaa, inaanu bixin doono, wixii lacag ah ee ku baxda, hadiiba ay gabadhani codsato in wiilkeeda yar, dhiiga dhalmada waalidka laga qaado (paternity test). Waxaa kaloo naloo sheegay, iney jiraan dad haya DNA-da Cabdi Iley, waayo markuu yimid Minneapolis, waxaa la rumaysan yahay, iney dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka ay si sir meel u dhigeen, saxamadii, iyo koobabkii uu Cabdi iley, wax ku cunayey, amaba ku cabayey, (this is not a funny, it's a real!).
Madaxweyne Cabdi Iley, ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu, shaqsi ahaan kufsi, iyo xad gudubyo kula kacay dumar badan oo deegaanka ka tirsan, balse arintan halkan ku qoran ka hor, wax cadaymo ah lagama haynin, inta badana wuuba inkiri jiray, balse arintan waxay u egtahay, dhacdo uusan Cabdi Iley marnaba ka baxsan karin.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan