Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Haweenay Cir Bixiyeen Ah Oo U Dhalatay Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday In Ay Muslimtay

Haweenay Cir Bixiyeen Ah Oo U Dhalatay Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday in Ay Muslimtay, Kana Jawaabtay Warar Ay Ka Faafiyeen Warbaahinta Reer Galbeedku Kennedy Space Station Oct. 2, 2011- Haweenay cir bixiyeen ah oo lagu magacaabo Sunita Williams ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ugu biirtay diinta Islaamka, ka dib markii ay Dayaxa dushii ku aragtay mucjisooyin ka yaabiyay wakhti ay safar ku joogtay.
Sunita Williams

Sunita oo ka tirsan shaqaalaha NASA, ayaa daboolka ka qaaday in go'aankan ay qaadatay uu ku yimid, kadib markii ay si dhab ah oo aan shaki ku jirin ay u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee Islaamku ay tahay mid jiritaankeeda aanu wax mad-madaw ahi saarnayn oo ay tahay diinta kaliya ee ay ku jirto xaqiiqda noloshu.

Cirbiyeenadani waxa ay ka dhawaajisay in go'aankan ay qaadatay ku dhashay, kadib markii ay si nabadgelyo leh ugu soo noqotay dhulka safar dheer oo qaatay 197 maalmood kadib oo ay ku dul joogtay dayaxa dushiisa iyada iyo Afar Cir-bixiyeen oo la socday .

Haweenaydan oo warbaahinta uga waramaysay go'aankeeda ayaa sheegtay in waxyaabo la yaab leh ay aragtay markii ay gaadhay Dayaxa dushiisa.

"Ilaahay baa mahad leh oo khaatimada ii waafajiyay, markii aan dayaxa dul joogay. Waxaan Teleskoob ( telescope ) waynayso leh ku soo eegay dhulka, oo dhamaantii midabkiisu madaw ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood), oo kuwa barakaysan ah oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuurayay una iftiimayay labadaas dhibcood oo kala ahaa Xaramka Maka iyo Qabriga Nebi Muxammad ee Madiina oo ku yaala dalka Saudi Arabia. Waxa kale oo ay tidhi, "Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadaydu. Waayo, markii aan dayaxa dul joogay haba yaraatee, wax sanqadh iyo sunqudh maan maqlayn aan ka ahayn dhawaaqa codka Eedaanka shanta salaadood.

Waxa ay xustay in ay jireen cir-bixiyeene hor oo Islaamay iyo qaar kale oo iyana la filayo in ay si degdeg ah u soo Islaamaan wakhti dhaw , iyada oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warar si weyn ay saxaafadu Reer Galbeedku u buun-buunisay oo tuhun lagu galinayay mawqifkeedan ay ku soo Islaamtay.

Maaha markii ugu horaysay ee ay soo Islaaman cir-bixiyeeno, saynisyahano iyo dad kalaba oo magac leh, waxaana tiro ahaan labadii sano ee u danbeeyay soo muslimay cir-bixiyeeno aad u tiro badan, Waxaana si weyn isu sii taraya oo maalinba maalinta ka danbaysa circa isku sii shareeraya werwerka ay diimaha kale ka qabaan Islaamka oo noqday Diinta kaliya ee ugu koriinka badan dhamaan diimaha dunida ee ay soo galaan dadka rumaysani.

Sunita Williams oo ku dhalatay deegaanka Euclid oo ka tirsan gobolka Ohio ee dalka Maraykan ayaa asal ahaan ka soo jeeda gobolka Gujarat ee wadanka India, waxaana leedahay hooyo u dhalatay dalka Slovenia ee Qaarada Yurub, waxaana ay noqotay gabadhii labaad ee Hindiyad ah oo hay’ada Naza u xulato in ay raacdo safar loogu baxayo Dayaxa, iyada oo maqnayd 197 maalmood oo ahaa safarkii ugu dheeraa ee ay haweenay Dayaxa ku tagto.

 

Ali abdi qani

stockholm sweden

haljiid2020@hotmail.com

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.