Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Shirkii Minneapolis oo ay fashiliyeen Cabdi Iley, iyo taageerayaashiisu

Radio Jigjiga (Minneapolis) Taageerayaasha Cabdi Iley ee magaalada Minneapolis ayaa lagu soo waramayaa iney dadweynihii jaaliyada ee reer Minnesota ka reebeen tagida shirka.
Sida hadaba warku sheegayo taageerayaasha Cabdi Iley ayaa dagaal buuxa ku qaaday shir uu magaalada Minneapolis u yimid safiirka itoobiya ee u fadhiya dalkan Maraykanka.
C/Laahi gariileIley
Shirkan oo xayeysiimo badan loogu sameeyey websiyo badan, oo baggani ka mid yahay, baanse wax xayeysiin ah amaba wargelin ah loogu samayn bogga cakaara, ama kuwa ay maamulaan taageerayaasha Cabdi Iley.

Sidoo kale, ayaa magaalada Minneapolis laysla dhexmarayaa in ninka lagu magacaabo C/Laahi Gariile, oo qora bogga Wabishabeele, uu isagu shaqsiyan si buuxda u hor istaagay in shirweynahani uu si guul ah ku dhamaado, sida laga sheegayana waxaa dhacday inuu shaqsigani u sheegay dhamaan xubnaha jaaliyada ee ka soo jeeda deegaanka Soomaalida in safiir Girma Birru, uusan u iman Minnesota inuu Soomaalida Itoobiya la shiro, balse uu u yimid inuu la shiro qawmiyadaha kale ee Itoobiya, sidoo kale ayaa lacag badan lagu bixiyey ineysan dadweynaha deegaanku shirkan imanin.
Arintana waxay noqotay been uu shaqsigani sameeyey si uu u fashiliyo shirkan ay dawlada dhexe wadatay.
Sida hada iska cadna safiirku wuxuu u yimid inuu la kulmo dhamaan qawmiyadaha Itobiya.

Waxaa kaloo uu warku sheegayaa in beentaas uu C/laahi Gariile suuqa galiyey darteed aysan goobtii shirka dad badani soo xaadirin.
Ugu dambayn lama hubo in arintan uu ku kacay Gariile, uu sidii caadada u ahayd soo amray Cabdi Iley, iyo inkale, balse sida dhabta ah kooxdan loo yaqaano bah bililiqo wey ku guulaysteen iney fashiliyaan safiirka, iyo shirkiisii, hase ahaatee waa arin u taalo madaxda, iyo safiirka dawlada Itoobiya sidey ka yeelayaan, kooxdan labada shaati midba maalinba mid,soo gashata.



 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.