
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Qaar ka mid ah ganacsatadii deeaanka oo xabsiga loo taxaabay
Radio Jigjiga (Jigjiga) Ganacsatadii deegaanka qaar ka mid ah, ayaa xabsiga lagu tuuray. Sida warku sheegayo ganacsatadan xabsiga la dhigey, ayaa waxaa lagu xidhay amar ka soo baxay madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, hadaba sida la sheegayo ganacsatadan la xidhay ayaa lagu eedeeyey ineysan hawlihii ay qnadaasyada ku qaateen fulin, ama aysan ka soo bixin, shaqdaii ay balan qaadeen iney dadweynaha deegaanka u qabanayaan.
 Hase yeeshee, fikrad taa ka duwan ayey noo sheegeen, dad aad ula socday arintan, isla markaana xogogaal u ah, sida ganacsatadan loo xidhay. Dadkan, aya ku waramaya in xadhiga ganacsatadan la xidhay, ay xadhigooda codsadeen, ganacsato kale, oo qaraabo, iyo beel hooseed la ah madaxweynaha deegaanka. Ganacsatadan codsaday in loo xidho, kuwa xabsiga la dhigey, ayaa la sheegayaa inuu tartan culus oo xaga qandaraasyada la qaato ahi, uu ka dhaxeyey, waana sababtan baa la leeyahay, ujeedada loo xidhay ganacsatadaas oo lagu shegey iney dhawr nin ahaayeen.
Waxaa kaloo warku intaa ku darayaa in, xadhigani, uu u saamaxi doono, qandaraaslayda, lacagta aadka u badan, misana xisaab la'aanta ah la siiyo, ee reer ahaan madaxweynaha aad ugu dhaw, siyaadsad ahaana sida weyn ugu xidhan, iney gabi ahaanba dhaqaalaha deegaanka si buuxda gacanta ugu dhigi doonaan. Sidoo kale, Cabdi Iley, ayaa wakhtigan hada ah, u muuqda nin aan xisaabta, iyo sharcigu qaban, maadaama aysan dawlada deegaankaba ku jirin xataa hal nin, oo isaga wax u sheegi kara, ugu dambeyna waxaa la rumaysan yahay, iney arintana u suura galineyso ganacsatada beeshiisa, iney ka takhalusaan ganacsatada beelaha kale.
la soco wararka dambe
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |