
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Ganacsatadii, iyo masuuliyiintii dawlada ee aadka ugu dhawaa Cabdi Iley, oo cabsi weyni la soo daristay
Radio Jigjiga (Jigjiga) Ganacsatadii ugu waaweynayd ee deegaanka, iyo madaxdii sida aadka ah ugu dhawaa madaxweynihii hore, Cabdi Iley, ayaa walaac, iyo cabsi aan horey loo aragi la soo daristay. Ganacsato badan, gaar ahaan, kuwooda qaata lacagaha, ama konturaadaha culus, ayaa lagu soo waramayaa iney cabsi ka qabaan, inuu Cabdi Iley, magaalada caasimada ah dib ugu soo noqon waayo, siiba, isagoo madaxweyne ah.
 Taniyo intii tababarka waxbarashada ah, madaxweynaha deegaanka loogu yeedhay magaalada Addis Ababa, ayey hadal haynta dadweynaha ee ku wajahan, in isaga xilkii hogaaminta talada deegaanka laga qaadayo, ay isa soo taraysaa. Hadaba ganacsatada beel ahaan isku meesha yihiin Cabdi Iley, ayaa cabsi weyn ka qaba, in iyagana xisaab xidh weyni ku yimaado, ganacsatadan oo intooda badan lagu yaqaan, inuu Cabdi Iley, siin jiray qandaraasyo ay miisaaniyad culusi ku baxdo, balse ganacsatadan ayaa lagu tilmaamaa inuu waxqabadkoodu aad u hooseeyo, waayo ma jiraan, cid, ama xafiisyo dabagal ah, oo iyaga la xisaabtama. Arintan aan cidina la xisaabtamin, ayey ganacsatadani magaalada, iyo deegaankaba ka noqdeen, ganacsato aan sinaba loo taaban karin (the untouchable businessmen) macnaha xidiidhka ay leeyihiin Cabdi Iley darteed, xidiidhkan ayaa dadweynahu ku tilmaamaan, inuu yahay, sidii mid qaab musuqmaasuq ku dhisan oo kale.
 Hadaba warar xogogaal ah, oo maalmihii tagey na soo gaadhay, ayaa sheegaya, in ganacsato badani ay lacag, iyo hanti badan kala baxayaan magaalada Jigjiga, iyagoo ula kacaya dhinaca wadamada dariska ah, ama kaan xadka ka gudbi karin, uu hantidaas ula kaco, xaga gudaha Itoobiya, siiba magaalooyinka waaweyn sida Diri Dhaba, iyo Addis Ababa. Balse waxaa lagama maarmaan ah, in indho gooni ah loo yeesho shaqsiyaadka laga yaabo, iney markii horeba xatooyo, iyo qaab musuq maasuq hantidan ku heleen, hadana damacsan, iney xoolahaas si sharci daro ah deegaanka uga saaraan, maadaama ay shacabkii deegaanku marxalad adag oo nololeed ku jiraan.
Sidoo kale, ayaa lagu soo waramayaa, in iyana madax sarsare, oo ka tirsan dawlada deegaanka, ay talo ku ciirtay, madaxdan oo u badan kuwuu Cabdi Iley, dhaca hantida dadweynaha ku naasnuujin jiray, ayaa wareer ka haystaa meesha ay u kici lahaayeen, hadiiba ay dhacdo in macalinkoodii boobka, iyo dhacu meesha ka baxo.
Dhinaca arimaha madaxweynihii deegaanka ee xilka laga qaaday, inkasta oo aan si buuxda wali loo shaacin, hadana Addis Ababa ku sugan, baan wali war buuxa laga haynin, inkasta oo laysla dhexmarayo warar aad isku khilaafsan, wararkan oo ay ugu horayso in Cabdi Iley, uusan waxba dhaamin nin meel ku xidhan, oo qaab maxbus oo kale ah, waayo baa la leeyahay, looma ogola inuu wax xidhiidh ah cidna la yeesho, sida inuu warbaahinta la hadlo oo kale, ama meel kale u safro Jigjigaba xataa ha noqotee. Warar kalena waxay ku waramayaan, inuu waxbarashadii loogu talagalay, wali ku guda jiro, balse aan war buuxa laga haynin xogtiisa hoose. War kale oo aan wali si buuxda loo sii deyn ayaa, isna ku waramaya in si buuxda xialalkii uu dawlada deegaanka ka hayey dhamaantood laga xayuubiyey, balse ay dawlada dhexe ka fiisanayso, in bal bal shaqo uun looga raadioy xaga dawlada federal-ka.
Si kastaba ha noqotee, waxaanu isku dayeynaa inaanu maalin walba idiin soo gudbino meesha ay wax marayaan.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |