Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Gacan qaad, iyo buuq ka dhacay gudaha xaruunta dawlada deegaanka

Radio Jigjiga (Jigjiga) War deg deg ah, oo naga soo gaadhay xaga magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in gacan ka hadal uu dhexmaray madax sare oo dawlada ka tirsan,  wuxuuna ka dhacay gudaha xaruunta deegaanka, ama madaxtooyada Kililka.
Warkan, aan wali  si buuxda xaqiiqdiisa loo shaacin ayaa sheegaya in kadib, markii albaabka hore ee xaruunta kililka laga xidhay madax dhawr ah, ayaa waxaa dhacday in nin madax sare oo aan wali la mgacaabin, uu albaabkii xoog ku soo galay, isagoo adeegsanaya ilaalada gaarka ah ee uu watay.
Radio Jigjiga Breaking news
Arintan oo dhacday galabnimadii maalinta axada ahayd, ayuu warku intaas ku darayaa, in kadib markii uu ninkaas madaxda ahi sida xooga ah ku soo dhaafay, ilaaladii Cabdi Iley ee irida hore joogtay, dabadeedna loo sheegay Cabdi Iley, sidaana uu gacan qaadku u dhexmaray, isaga, iyo ninkii madaxda ahaa.

Hadaba, inkasta oo aysan wali cadayn, hadana waxaa magaalada Jigjiga laysla dhexmarayaa in laga yaabo inuu ninkaasi ahaa mid ka mid ah madaxweyne ku xigeenada deegaanka, ama Suldaan Wali.
Suldaan Wali, baa la aaminsan yahay, inuu Cabdi Iley dagaal ugu jiro siduu xilka madaxweyne ku xigeenka uga qaadi lahaa, balse la'yahay jid uu u maro, xilka qaadista Dr. Wali.

Sidoo kale, ayaa la sheegayaa in madaxdii wasaaradaha, iyo ha'yadaha kale ee dawlada deegaanka, uu Cabdi Iley, argagax, iyo caga juglayn hor leh ula yimid. Sida warku sheegayo, soo noqoshadii uu ina Iley, Jigjiga ku soo noqday, ayey dadweynuhu isla dhexmarayaan, inuuba ka sii waalan yahay, siduu horey u ahaan jiray.

Waxaa kaloo jirta in kadib markii, laba todobaad ka hor laysla dhexmarayey in xilkii laga qaaday isaga, ay in badan oo madaxda deegaanka ka mid ahi soo dhaweeyeen, taasina keentay in dadka u warama, amaba u basaasa Cabdi Iley, ay warbixino badan oo badankoodu been abuur yahay u gudbiyeen.
Cabdi Iley, oo ku caan baxay in hadba ninka ugu horeeya ee isaga wax u soo sheega, uu dhgahiisa qabsado, ayaa la rumaysan yahay, inuu sidii nin waalan oo kale, madaxdii dawlada seef bilaa gal ah la dhex socdo, taasoo keentay in ninba uu nin basaaso, waxna ka sheego.
Wasiirkii hore ee maaliyada ayaa ka mid ah madaxdan warxumadaas been abuurk ah looga geeyey, isna isagoon haba yaraatee kaba fiirsan waxa loo sheegay, run, iyo been miday tahay, ayuu si gardaro cad ah ugu been abuurtay Cumar Xaaji.

Ugu dambayn, sida ay reer Jigjiga yidhaahdaan, ninkii ina Iley caayo, ama waali kula kaco, ayaa maanta sharaf, iyo karaamo dadweynaha ku dhex leh, ninkase u nacamleeya isaga, shaki kuma jiro inuu taariikh madow shaqeystay, galadeedana wuu heli doonaa.

-la soco wararka dambe, iyo ninka ay la kacdo seefta uu ninka waalani wadhfinayo-

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.