Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Gablaney aduunyoy, Xusni Mubaarak, oo maxkamada la keenay isagoo shabaq ku jira  
Xusni Mubaarak
Radio Jigjiga (Qaahira) Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak, ayaa isagoo si xun u bahdilan (highly humiliated) la keenay maxkamad, ku taala magaalada Qaahira.
Xusni Mubaarak, oo ku jira shabaqii caanka ahaa ee uu dadka ku xarayn jiray, markuu maxkamada saarayo, ayaa isagana waa markiisiiye la keenay, Xusni Mubaarak, ayaa waxaa kaloo maxkamada lala keenay labadiisa wiil,oo iyana si aad ah looga baqi jiray, markuu aabahood xukunka Masar hayey.

Markiiba waxaa maxkamada bilaabay, xaakimkii, oo Xusni Mubaarak weydiiyey magaciisa, isna si buuxda ayuu u qeexay magaciisa, ka dibna waxaa la guda galay dacwadii maxkamada loo keenay, iyo eedeyntii lagu soo oogay, waxaa la weydiiyey wuxuu ka qabo, eedeynta loo soo jeedieyey.

Xusni Mubaarak, ayaa lagu soo eedeeyey inuu hayadaha nabadgalyada amar ku siiyey, in la xasuuqo, markuu socday kacdoonkii lagala horyimid xukunkiisa, bilawgii sanadkan 2011ka, waxaa kaloo lagu soo eedeeyey inuu hanti, iyo dhaqaalo badan lunsaday.

Sidoo kale waxaa, iyana lagu soo eedeeyey labada wiil ee Xusni Mubaarak, dhalay, iney qayb ka ahaayeen musuqmaasuq aad u faafay intii uu aabahood xukunka hayey.
Hadii lagu helo, ama lagu cadeeyo danbiyadan lagu soo oogay reer Mubaarak, waxaa suuragal ah in lagu xukumo, xukun dil ah (death penalty), ama markay ugu yar tahay, xukun ah madaxaa haku furto (Life imprisonment), miday noqotaba uma eka, iney ka nabad baxayaan maxkamadan ay shacab weynaha reer Masar sida weyn u doonayaan in reer Mubaarak lagu qaado.

Waxaa kaloo aad loola yaabay, Xusni Mubaarak, oo magaciisa koobaad yahay, Maxamed, inaan misana looguba yeedhin, magaca Maxamed, tolow ma magacan sharafta leh, baa loo diidan yahay, ninkan ku caan baxay cabudhinta Muslimiinta?.

Xusni Mubaarak, ayaa mudo sodon sano ah hayey, xukunka dalka Masar, waxaana la rumaysan yahay, inuu lug ku lahaa dilkii lagula kacay madaxweynihii hore ee dalka Masar, Al Sayid Anwar Al Saadaat. halkan ka daawo sidii loo dilay Anwar Al Saadaat.





  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.