
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Faarax Macalin, oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka aduunka
Radio Jigjiga (Switzerland) Siyaasiga awooda weyn ku leh dawlada dalka Kenya ee Faarax Macalin, ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dunida. Shirka doorashada oo lagu qabtay magaalada Bern ee caasimada u ah federal-ka Switzerland.
 Baarlamaanka dunida (world parliament) oo ay dawlado badani ku bahoobeen, ayey inta badan xubnaha loo doorto iney xubin ka noqdaan, ama hogaamiyaanba ay yihiin, xubno si gaar ah loo soo xulo. Waxyaabaha la taaban karo, ee xubnahaas lagu soo xulo, ayaa waxaa ka mid ah, in shaqsiga xubin ka noqonaya, uu marka hore yahay, shaqsi ku sifoobay cadaalad ka shaqeynta, inuu yahay mid aaminsan in dimuqraadiyada, iyo sinaanta lagu dhaqo shacabka.
 Hadaba Faarax Macalin, ayaa aad loogu yaqaanaa inuu yahay, shaqsi ku sifoobay u ololaynta ku dhaqanka, iyo isku xukunka sharciga. Faarax Macalin, waa nin isku kalsooni gaar ahaaneed naftiisa ku qaba, waa shaqsi si weyn loogu tixgaliyo, u dagaalanka xuquuqda aadanaha, siiba dadka qaxootiyada ku jooga dalkiisa Kenya, waxaana lagu xasuustaa siduu u gacan qabtay, dadweynaha Soomaaliyeed ee dalkiisa qaxootiga ku ahaa mudada dheer.
Ugu dambeyn, ku biirida uu Faarax Macalin, ku biiray baarlamaanka dunida, waa guul, iyo horumar u soo hoyday dadyowga bariga Afrika, gaar ahaan dadka Soomaalida ah, dalkasta oo ay ku nool yihiinba.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |