Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Duqii magaalada Qoraan oo si sharci daro ah ugu xidhan xabiga Jigjiga

Radio Jigjiga (Qabri Bayax) January-19-2012, Duqii magaalada Qoraan ee ka tirsan magaalooyinka hoos yimadaa degmada Qabri Bayax, ayaa lagu soo waramayaa inuu si dharci daro ah ugu xidhan yahay xabsi ku yaala magaalada Jigjiga.
Duqan magaalada Qoraan oo lagu magacaabo Cabd Ismaaciil Madaxey, ayaa si been abuur ah loogu soo eedeeyey inuu yahay nabad diid, balse sida laga warqabo ay tahay been aan sal, iyo raadtoona lahayn, ninkan oo la sheego inuu deegaan aad weyn xukumayey, in mudo ah, ayaa sida la sheegayo ay dad la sheego iney onlf-ta faafaneed la shaqeyn jiray ay si been abuur ah, isaga ugu soo eedeeyeen inuu la shaqeyn jirey, arintan ayey dad badan oo xidhida Cabdi Ismaaciil  aad ula socday ku waramayaan ineysan eedeyntaas waxba ka jirin, ee ay tahay shirqool ay soo abaabuleen shaqsiyaad dano gaar ah watay, isla markaana dawlada deegaanka aad ugu dhow.
Qoraan
Kadib, markii maxkamada la keenay Cabdi Ismaaciil, ayaa la sheegayaa in xaakimkii maxkamadu uu haba yaraatee wax dambi ah ku waayey, ninkan, dabadeedna uu xaakimkii codsadey in si buuxda loo baadho, cida sida dhabta ah u soo xidhatey duqa magaalada Qoraan.
Hadaba baadhistii lagu sameyey,arintan ayaa lagu ogaadey inuu si sharci daro ah, Cabdi ismaaciil uu u soo xidhey nin madaxweynaha deegaanka abti u ah laguna magaacbo Axmed Mahad, kuna magac dheer "Axmed Ilkacase".

Axmed Ilkacase, oo la beel ah isla duqa magaalada Qoraan, ayaa la sheegaa inuu xadhig, iyo caga jugleyn la daba joogo shacabka deegaanka Qabri Bayax, gaar ahaa deegaanka uu isaguba ka soo jeedo ee Qoraan, iyo deegaanada kale sida Mula Xasan.
Si kastaba ha noqotee, waxaa haboon in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Cabdi Ismaaciil Madaxey, isla markaana shaqadiisii hore ee duqa magaalada Qoraameed loogu soo celiyo, maadama uusan wax lug ah haba yaraatee ku lahayn, eedaas been abuurka ah, Cabdi Ismaaciil oo lagu yaqaano inuu ahaa shaqsi wadani daacad ah, nabadana inbadan ka soo shaqeyn jirey, balse sida muuqata uu Axmed Ilkacase, iska soo xidhey, maadaama uu awood ka haysto dawlada deegaanka, iyo madaxweynaheedaba.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.