Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Dowlada dalka Kenya ayaa sheegtay in Soomalida Qaxootiga ku ah dalka Kenya ay dib ugu celin doonto dalka Soomaliya

23.January.2012:- Dowlada dalka Kenya ayaa sheegtay in Soomalida Qaxootiga ku ah dalka Kenya ay dib ugu celin doonto dalka Soomaliya, isla markaana ay ku sameyn doonto baaritaano kala duwan oo ku saabsan in ay xiriiro la leeyihiin Al-Shabaab.

 kenya-flag

Kenya waxa ay Sheegeysaa in shaqsi walbo oo Soomaali ah ay dib ugu celineeyso dalka ay dariska la tahay Soomaliya, maamaada bey yiraahden ay ka qaati ka taagan yihiin aqoonsashada qofka qaxootiga caadiga ah iyo kan qaxootiga iska soo dhigo ee Al-Shabaabka ag.

 

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga dowlada Kenya Faransis Kimami oo warbaahinta kula hadlay magalada Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay ka walwalsan tahay aqoonsashada qofka magangalyo doonka ah iyo kan iska dhiga inuu magangalyo rabo balse Al-Shabaab ka tirsan.

 

Faransis Kimami waxa uu sheegay in ay jiraan boqolaal kun oo Soomali ah, kuwaas oo qaxooti ahaan ugu sugan magaalooyinka waa weyn ee Gobolka Waqooyi Bari, Xiryaha Dhadhaab iyo magalada Nairobi oo kumannaan Soomali ah ay ku nool yihiin, hase ahaatee qaarkod ay Shabaab yihiin.

 

” Kenya waa ku wareersan tahay in ay si wanagsan u aqoonsato Qofka Qaxootiga caadiga ah ee amni xumada wadin iyo Qofka iska dhigaya inuu qaxooti yahay mise xiriir la leh ururka Al-Shabaab, waa mida aan ku dhibaatooneyno”.

 

” waan ognahay in ay jiraan dad badan oo ID CARD iyo basaborba leh, waan ognahay in ay jiraan dad badan oo qaxooti ku ah magaaloyinka Waqooyi Bari Kenya, xiryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Nairobi, dadkaasi qaar ee Somalida ah Al-Shabaab ayaa ku jira”.

 

” waxan go’aansanay in dib aan u celino Soomalida Kenya joogta waayo waxaa noo kala cadaan weyday qofka falalka amni xumo wada, sidoo kale waxaan baaritaan ku sameyn doonnaa qof walbn oo Soomali ah gaar ahaan kuwa xiryaha ku jirta, waxaana arintaasi kala hadleeynaa United Nation-ka” ayuu yiri Faransis Kimami.

 

Xoghayaha joogtada Wazaarada arimaha gudaha Kenya Faransis Kimami ayaa gabagabadi sheegay in go’aano ay dhowaan kasoo saari doonan in dib loo celiyo ruux walbo oo Soomali ah iyo in la xoojiyo ammaanka gudaha.

 

Ma’ahan markii ugu horeeysay oo dowlada Kenya sheegto in dib Somaliya ugu celineeyso boqolaalka kun ee Somalida ah ee Kenya ku nool.

 

 

ABDIRISSAQ HASSAN CEYNTE

 

RADIO JIGJIGA NAIROBI KENYA

 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.