Magaalada Jigjiga oo ay ku soo badanayaan, dhaqan xumada, iyo anshax la'aanta
Radio Jigjiga (Jigjiga) 17-8-2011, Magaalada jigjiga ayaa lagu soo waramayaa iney ku soo badanayaan waxyaabo ka soo horjeeda dhaqankii, iyo hidahii suubanaa ee lagu yaqaaney guud ahaan deegaanka Soomaalida.
Waxaa baryahan dambe aad ugu soo badanaya magaalada Jigjiga, waxyaabo aan horey looga baran deegaankan, waxyaabahaas dhaqan xumada ah, ayaa waxaa ka mid daawashada filimada foosha xun, oo lagu daawado meelo ka mid magaalada, meelahaas oo horey u ahaan jirey meelo ganacsi, sida bakhaaro. Waxyaabaha kale ee dadka horey u daganaa magaalada ay ka cabanayaan, ayaa waxaa ka mid ah, fanaaniin aad u tiro badan, oo iyana ku soo qulqulaya magaalada, intooda badana la sheego iney casuumaad ka haystaan xafiiska arimaha qurba joogta u qaabilsan ee dawlada deegaanka. Balse waalidiinta magaalada ayaa si adag uga cabanayaan, isbadalka ay arintani u keeni karto caruurtooda iskuulada ka dhigata magaalada, gaar ahaan gabdhaha da'da yar, oo laga yaabo iney, ixtiraam daro, iyo dhaqanxumo u horseedo, ku dayashada ay ku dayanayaan fanaaniinta qaarkood. Kilil5 ka akhri dhaqan xumada fanaaniinta qaarkood ay ku kacaan.
Fariin Radio Jigjiga ka soo gaadhay xafiiska shatiyada (office of commercial license) ayaa lagu sheegay, iney shaqaalaha xafiiskani la fajaceen, ka dib markii nin ka mid ah qurba joogta, dibadaha ka yimid, gaar ahaan dalka Holland, uu codsi u soo qortay xafiiskan si loogu sharicyeeyo inuu: magaalada Jigjiga ka furo meel habeenkii dadka dhalinyarada ahi ku caweeyaan (night club) markaa ka dib, ayey shqaalihii xafiiska shatiyadu ninkii weydiiyeen, inuu haysato warqada dhalashada ee deegaanka, ka dib ninkii ayaa soo saarey warqad uu ka watay xafiiska qurbajoogta ee deegaanka, ugu dambeyn ninkii ayaa xafiiska laga saarey laguna maray inuusan mar dambe ku soo noqon.
Dhinaca kale, dadkii magaalada horey u deganaa, gobol kasta oo ay markii hore ka soo jeedaanba, sida sgaalka gobol ee deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa iney durbaba khaati ka joogaan, kuna soo dhaweyenayn deegaankooda dadkan qurba joogta loo yaqaan, sababtoo ah dhaqan xumo, musuqmaasuq, iyo asluubta islaam-nimo oo aad ugu yar awgeed, inta badana uba dhaqma sidii gaalada ay dhulkooda ka yimaadeen oo kale, tusaale ahaan waxaad arkaysaa iyagoo dhalooyin khamro ku jirto baabuurta la raacaya, ama meelaha shaaha lagu cabo la soo galaya, sidoo kale dhalooyin khamro ka buuxdo. Waxaa jirta magacyo ay dadkii magaalada horey u daganaa u bixiyeen qurba joogta timid, sida "qudhun joogta, iyo magacyo kale"
Ugu dambeyn ciidamada Asluubta ee deegaanka, ayaa aad ugu mashquulsan soo xidh-xidha, iyo figeynta dadka ay rabaan, madaxda deegaanku in loo soo xidho, laakiin miyeysan habooneyn iney qabtaan shaqada ay wataan magacay lahayd, taasoo ah asluubta, iyo toosinta dhaqankii suubanaa ee aynu lahayn.