Dhibaatooyin ka taagan isku shaandeyntii lagu sameeyey degmada Feerfeer
Radio Jigjiga (Jigjiga) Waxaa dhibaato xaga beelaha ahi ka taagan tahay isku shaandeyntii dhawaan lagu sameeyey maamulada degmoonka deegaanka.
Hadaba waatan warbixin, iyo cabasho ay ka qabaan dadka deegaanka Feerfeer, oo ay Radio Jigjiga soo gaadhsiiyeen. 1= sidaad la socotanba feerfeer waxay ku taalaa xuduuda waxaana daris nala ah Somalia.
2= degmada feerfeer gudoomiyihii lagu soo qoray waxa uu bilaabay inuu beelo beelo ula shiro dadka aan daganayn feerfeer.
3= dhibatada ugu wyn waxa ay tahay hada ee uu bilaabay gudoomiyaha loosoo magacaabay degmada feerfeer inuu Xawaadle la shiro kuna yidhaahdo degmada maamulkeeda wax baad ku leedihiin, dhulkana waxbaad kuleedihiin xawaadlana uu lashiro, kililkana walaga wada ogyahay Xawaadle iyo reer Awxasan waxa ka dhaxeeya taasna aniga waxaan u arkaa dab hurin, sababtoo ah maamul halabadalo, wax ha laysku shaandheeyo waa ra'yi wanaagsan laakiin dad Somaaliya ka yimaaday ama aan deegaanka wax ku lahayn, layidhaahdo waxbaad ku leedahay deegaanka aniga waxaan u arkaa dab hurin arintaasna hada ayay bilaab matay.