Dhibaatooyin hor leh oo la soo darsay dadka ku nool deegaanka Yoocaale
Radio Jigjiga (Jigjiga) Dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Yoocaale, ee ka tirsan gobolka dhagaxbuur, ayaa lagu soo waramayaa iney dhibaatooyin hor leh, la soo darseen, ka dib markii todobaad ka hor, ay maleeshiyo qaab qabiil lagu soo abaabulay, ay duulaan ku soo qaadeen dadka deegaankan. Todobaad ka hor ayey maleeshiyo laga soo abaabulay dhinaca Soomaaliland, ay duulaan ku soo qaadeen, deegaankan, halkaasna la sheegay iney oday da' ahaa ku dileen, sodomeeyo Geel ahna kaxaysteen, ka dibna sidaas ayey nimankii maleeshiyada ahaa ku tageen, iyadoon wax talaabo ah, laga qaadin, haday noqoto dhinaca dawlada, iyo dhinac kaleba.
Hadaba dhibaato kale ayaa haysata, shacabka reer Yoocaale, taasoo ah, in haba yaraatee aysan sinaba isku daafici karin, sababtoo ah, hadii wax hub ah lagu arko, ayaa markiiba lagu eedeeyaa iney yihiin, amaba xidhiidh la leeyihiin garabka nabada diiday ee onlf, ka dibna sidii lagu yiqiinay, ayey maleeshiyada Cabdi Iley, xasuuq qorshaysan kula kacaan, arimahan lagula kaco dadka deegaankan Yoocaale, iyo deegaanada la dariska ah, ayaa runtii lagu tilmaamaa iney tahay, xaq daro weyn, iyo bahdil lagula kaco shacabkan.
Mudo laba odobaad laga joogo,ayey ahayd, markii ay wafti ka socda xaga Soomaaliland, ay Jigjiga kula kulmeen madaxweynaha deegaanka, inkasta oo waftigani rag ganacsato ah u badnaa, hadana ma kala cada in ay arinta deegaanka Yoocaale, ka wada hadleen, waxaase la hubaa in halkaa, qandaraas lagu siiyey, nin ganacsade ah, madaxweynaha deegaanka reer ahaan aad iskugu dhaw yihiin, ninkaas oo xoolaha looga dhoofin doona dekeda Berbera.
Inkasta oo Yoocaale ay ku jirtay shan, iyo tobanki degmo ee dhawaanta la sameyey, hadana wali hogaanka nabad galyada, iyo taliska Liyuu Booliska, waxaa maamula beelaha ku abtirsada Soomaaliland, sababtana waxaa lagu sheegaa in reer Yoocaale, ay dawlada deegaanu aysan aaminin. Laba bilood ka horna, waxaa jirtay in madaxweynaha deegaanku uu ciidamadii dawlada dhexe ee goobahaa fadhieyey, ka codsaday iney ka guuraan, si ciidankiisa Liyuu Boolisku u soo dago.
Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan