
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dhagaxtuur ka dhacay magaalada Jigjiga ee caasimada u ah ismaamulka Soomaalida
Radio Jigjiga (Jigjiga) Dhgaxtuur, iyo iska hor imaad culus ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga, dhagaxtuurkan ayaa ka dhashay, kadib markii la arkay koox ganacsato ah oo iska cabiranaya dugsi hoose-dhexe ee ka mid ah ah dugsiyada magaalada Jigjiga sida weyn looga yaqaano, waana dugsiga hoose-dhexe ee Axmed Guray. Todobaadkii hore, ayuun baa halmar laga war helay, buuq, sawaxan, iyo qaylo weyn oo timid kadib markii la arkay koox ganacsato ah oo sidii iyagoo meesha iska leh cabir, iyo dhismo kula dhaqaaqay dayrkii dibada ee dugsiga hoose-dhexe Axmed Guray.
Hadaba sida warku sheegayo, waxaa dhacday in koox ganacsato ah, oo sida la rumaysan yahay la reer ah Cabdi Iley, ay iska dhisid ku bilaabeen darbigii dibada ee school-ka, laakiin markii maamulka dugsiga, iyo dadka la dariska ahi ay weydiiyeen ganacsatadan waxa ay yihiin, iyo sababta keentay iney dhulka dugsigu ku fadhiyo iska dhistaan bey nimankii ganacsatada ahaa ku jawaabeen "anaga waxaa dhulkan na siiyey madaxweynaha deegaanka" arintan ayaa keentay in shacabkii magaalada gaar ahaan kuwii ka ag dhawaa goobta ay halmar dhagaxtuuryo, iyo dagaal kala hor tageen nimankii damacsanaa iney dhulka dugsiga Axmed Guray boob, iyo bililiqo kula kacaan. Ugu dambeyn ayey nimankii ganacsatada ahaa meeshii ka carareen, walina buuqii arintan ka dhashay wuu taagan yahay.
Sidoo kale, ayaa dhismihii, iyo dhulkii ay ku tiilay maxkamadii hore ee degmada Jigjiga la sheegayaa in loo saxiixay ganacsato la qaraabo, iyo qabiilba ah Cabdi Iley.
Dhismahan ay ku taalay maxkamadii qadiimiga ahayd ee magaalada Jigjiga ayaa la dhisay sanadkii 1920kii, waxaase nasiib daro in dhulkii, iyo dhismayaashii taariikhda weyn lahaa, ee magaalada Jigjiga, ay bililiqo, iyo boob kii ugu xumaa uu ku socdo. Waliba kasii darane, waxaa jirta in siday laal-mashadu ugu bilaabatay Cabdi Iley, uu isna dhulkii dadweynaha jigjiga ku bilaabay bililiqo tii ugu xumayd, waxaana la sheegaa in guryo dad shacab ahi daganaayeen, lagu yidhaahdo dadkii lahaa jidbaa gurigaaga maraya, sidaana marka qofkii guriga, ama dhulka lahaa laga qaado, dabadeedna si dhibyar lagu siiyo, shaqsi uu Cabdi Iley wato, inta badana shaqsiyaadkan dhulka loo dhacaa waa shaqsiyaad, qaraabo, ama qabiil la ah Cabdi Iley.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |