Dhaqaalo xumo, iyo musuqmaasuq aad u daran oo la soo darsay dhamaan Wasaaradaha, iyo xafiisyada Dawlada deegaanka
Radio Jigjiga (Jigjiga) Dawlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa la soo darsay dhaqaalo xumadii ugu darayd, labadii sano ee la soo dhaafay, taaso ay dhamaan wasaaradihii, iyo xafiisyadii hawsha laga waday qarka u saaran yihiin, iney gabi ahaanba joogsadaan. Wasaarado. iyo xafiisyo dhawr ah ayaa sida la sheegayo ku dhaw in albaabada layskugu dhufto, sababta dhaqaalo xumada keentay, ayaa la aaminsan yahay iney ugu horeyso musuqmaasuqa xafiisyada deegaanka oo gaadhay halkii ugu darayd, taasoo aysan jirin cid masuuliyad iska saarta, daba galka, iyo baadhis lagu sameeyo xafiisyada, hadaba xafiisyada lagu tilmaamo iney yihiin kuwa ugu horeeya musuqmaasuqa ayaa waxaa ka mid ah, xafiiska dakhliga, ama canshuuraha, xafiiskan ayaa ka masuul ah soo xareynta lacagaha canshuurta ee dawlada deegaanka ka soo gasha canshuuraha laga soo ururiyo dhamaan deegaanka, gaar ahaan gobolada Jigjiga, iyo Shiniile, tusaale ahaan Jaadka. ama Qaadka loo dhoofiyo dhinaca Jabuuti, Somaliland, Puntland, iyo qaybaha kale ee dalkaa Soomaaliya, ayaa marduufkiiba lagu canshuuraa sadex Bir, oo lacagta Etoobiya ah, waxaana lagu sheegaa in boqolaal kun oo Kiilo, oo Qaad ah loo dhoofiyo dhulalkaas, ay dawlada deegaanka ka soo gasho ugu yaraan 20 malyan oo lacagta maraykanka ah ($20 Million) lixdii biloodba, laakiin nasiib daro lama oga meesha lacagtaasi ugu dambayn ku biyo shubato. Xafiiska maaliyada ayaa isagana lagu tilmaamay in wax kayd dhaqaalo ahi, uusanba oolin lamana garanayo meesha hantidii xafiiskaasi ku dambaysay, ama in la xaday, iyo inkale. Hadaba waxaa kaloo lagu sheegay iney dhaqaalo xumadan sabab u tahay, shan, iyo tobankii degmo ee dhawaan la sameeyey, oo iyaguna culays dhaqaale ku soo kordhiyeye dhaqaalo xumadii horey u jirtay, tusaale ahaan degmada galaalshe ayey had, iyo jeer baahi dhaqaalo ka jirtaa, waayo degmadan ayaan haba yaraatee lahayn ilo dakhli ka soo galo, laakiin waxa kaliya ee ay degmadani ku tiirsan tahay waa lacagta uga timaada dhinaca Jigjiga, sidoo kale degmooyinka dhawaan la maga caabay, ayaanba iyana lahayn meelo ilo dhaqaalo ka soo galo, sida beero, ama wax laga ganacsado, inkastoo magacaabidii degmooyinkan la sheego in dawlada dhexe ka caga jiiday, si looga hor tago dhibaatadan hada taagan oo kale, hadana madaxweyne Cabdi Iley, ayaa u sheegay iney yihiin degmooyin xaga dhaqaalaha iskaga filan, laakiin hadalkan madaxweynaha, hada waxaa loo arkaa inuu beenoobay. Safarada qurba joogta, iyo guud ahaan arimahooda ayaa, iyana culays kale soo kordhiyey, maadaama ay arinta qurba joogtu tahay, hawl weyn oo laga fasaxay xaga Addis Ababa, ayaa iyana lagu tilmaamaa iney madaxda deegaanku, dhinacooda fardaha ku xidheen, waayo isxisaabinteeda oo yar awgeed.
Maamul xumadana waa wax ka mid ah, waxyaabaha soo kordhiyey dhaqaalo xumada hada taagan, waayo xafiisyada ay maamulan saaxiibada madaxweynaha ayaa lagu sheegaa iney fasax u haystaan, iney sidey doonaan wax u maamulaan (free from audit), ama u shaqeeyaan, taasoo inta badan keenta in lacag aad u badan la waayo, meeshay martana cidi isma weydiiso.
Nin ka mid ah dadka arimahan sida weyn ula socda ayaa Radio Jigjiga u sheegay in lacago aad tiro badan oo lacagta Etoobiya ah, inta loo badalay lacagta Dollar-ka, kadibna dalka dibada looga saaray dalka, wali arintan wax cadayn ah kama hayno, laakiin haday wax ka jiraan waa dambi, iyo khiyaano kale oo lagula kacay shacabka baahida, iyo nabad galyo daradu dilootay, hadana intoodii yarayd ee shaqada dawlada ka haystay lacag la siiyo loo weysan yahay. sida dhabtu tahayse looma waayin mushahaarkoodi ay xaqa u lahaayene, malaha wax is daba marin baa meesha soo gashay.