Dhalinyaro badan, oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida, ayaa ka soo cararay dalka Yeman
Radio Jigjiga (Bosaaso) Dhalinyaro tiro badan, ayaa dib ugu soo laabtay, magaalada Boosaaso.
Sida wariyaha nooga soo warama maamul goboleedk puntland, uu sheegayo, dhalinyaradan ayaa ka soo cararay xasarada, iyo dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yeman. Dhalinyaradan, oo aan diyaar u ahayn iney dib ugu soo noqdaan dhulkoodii hooyo, ee deeganka, ayaa dib ugu noqday xereeyinkii qaxooti ee ay markii hore ku jireen, ama ka dhoofeen, markay tagayeen dalka Yeman. Mid ka ah, dhalinyaradan oo wareysi siiyey warayaha Radio Jigjiga, ayaa sheegay, in sababta ay uga soo tageen dalka yeman, ay tahay dhinaca nabadgalyada, waayo buu yidhi: labada garab ee isku haysta xukunka dalka yeman, ayaa mid walba dhinaciisa nooga shakiyay, inaan dhinaca kale taageersan nahay, isagoo ninkaas dhalinyarada ahi hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in hayadaha qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobey, aysan dhankooda wax masuula iska saarin nabadgalyada, iyo daryeelka qaxootiga.
Dhanka deegaanka ayey dhalintani sheegeen, ineysan wax rajo ah ku qabin, dib ugu soo laabadashada dhulkooda, waayo bey leeyihiin, isbadaladii la aaminsanaa iney deegaaanka ka dhacaan, oo aan wali wax natiijo ah laga hayn, iyo nabadgalyo xumadii oo markale cirka isku shareertay.
Dalka Yeman, ayaa wali dagaal sokeeye, balse si buuxda wali u qarxani ka socdaa, inkasta oo madaxweynaha dalkaasi, si xun ugu dhaawacmay, ka dib markii nin ka tirsan qabiilka madaxweyne Cali Cabadala Saalax, qabiilkaas oo lagu magacaabo Sanxaan, uu isku dayey inuu khaarijiyo madaxweynaha, si dhibataada meesha taalaa uga baxdo, inkasta oo uu Cali Cabadala Saalax, ka badbaaday weerarkaas, hadana waxaa la rumaysan yahay, inuu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay, waxaana wali lagu daaweynayaa cistitaal ku yaala dalka Boqortooyada Sacuudiga, laakiin rabshadihii, iyo banaan-baxyadii wali halkii bay ka sii socdaan.