Isku shaandeyntii degmooyinka oo dhibaatooyin hor leh dhalisay
Radio Jigjiga (Jigjiga) Waxaa wali maalinba, maalinta ka dambeysa isa soo taraya dhibaatooyin hor leh oo ka dhashay isku badalkii dhawaan degmooyinka deegaanka lagu sameyey. Isku shaandeyntii dhawaan uu madaxweynaha deegaanku sameyey, ayaa lagu soo waramayaa iney masuuliyiintii loo badalay degmooyinka kale, lagu soo waramayaa, in qaar mid ah loo diidey furayaashii xafiisyada qaarkood. Waxa kaloo la sheegayaa, iney shaqo diidmo sameyeen, xubnaha lagu badalay degmooyinka cusub, masuuliyiinta, la sheegayo iney amar diidada sameyeen ayaa waxaa ka mid rag dhawr ah, oo sida la magacaabey ay madaxweynaha deegaanka reer ahaan isku beel ka soo jeedaan, masuuliyiintan ayaa diidey goobihii lagu soo qoray, goobahaas oo ku yaala gobolka Jigjiga, iyo gobolo kaleba.
Dad xogogaal ah ayaa laga soo xigtay, in ragaas amar diidada sameyey, ay si weyn u saluugsan yihiin jagooyinka cusub ee loo badalay, taasoo ay dhaqaalo ahaan ku diideen iney goobihii loogu tala galay iska xaadiriyaan, laakiin waxaa dhacday in haba yaraatee aan shaqsiyaadkan wax talaabo sharci ah laga qaadin, iyadoo la sheegayo in xubnahan laga dhigay sidii iney sharciga ka sareeyaan oo kale, ama waa sida deegaanka looga yaqaanee "boqortooyada cusub", taariikhduse waxay ina bartay, in sharciga oo aan ummada si siman loogu dhaqin, ay tahay, waxa koobaad ee wadan, ama bulsho baabi'ya.
Dhanka kale, waxaa horey u dhacday in, iyana xubno horey amar diido u sameyeyey, balse beelo kale ka soo jeeday, uu madaxweynaha deegaanku amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsaha badan xabsiga loogu taxaabo.
Sidoo kale, ayaa gabi ahaanba masuuliyiintii gobol ahaan, gobolka Jigjiga ka soo jeeda aan wax shaqo ah, la siinin, amaba aysan jirin meel, ilaa, iyo hada loo magacaabey, marka laga reebo duqii hore ee magaalada Jigjiga oo isaga si xeelad ah la sheegay in laga tuuray gobolka Shiniile, oo horeyba u diiday in dad aan deegaankooda ahayn lagu soo magacaabo, maadaama ay arintani ka soo horjeedo habka dawlad wanaaga, iyo federalism-ka ah ee dalka Itoobiya lagu dhaqo, balse deegaanka Soomaalidu noqday meel hal shaqsi, iyo beeshiisu sidey hadba damcaan u maamushaan
Xildhibaan ka tirsan golaha xildhibanada ee deegaanka, diideyna inaan magaciisa ka soo xigano ayaa noo sheegay, in sharci ahaan aysan waxba ka jirin, waxyaalo badan oo madaxweyne Cabdi Iley, ku soo rogay deegaanka, sida isku shaandhaynta oo uu xildhibaankani ku sheegay, midaan haba yaraatee sharciga waafaqsaneyn.
Ugu dambeyn dadka deegaanka, gaar ahaan shacabka ku nool caasimada, ayaa wali ka war sugaya inuu madaxweynhu si qeexan ugu sheego, waxa iyaga reer Jigjiga ah looga takooray, gobolada kale, madaama aan wali wax madax ah oo gobolkooda ka soo jeeda loo badalin meel kale, halka guryahoodii rag kale la korkeenay.