Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Deegaanka Soomaalida oo abaaro ba'ani ka jiraan

Radio Jigjiga (Jigjiga) Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney abaarooyiin, iyo nolol adagi soo food saartay.

Deegaanka ayaa lagu soo waamayaa iney la soo daristay, nolol adag, nolosha ay dadka deegaanku ku nool yihiin oo horeyba u adkayd, ayaa hadana waxaa la soo darsay dhibaato dhaqaalo xumo oo ka jirta xaga magaalooyinka.
Shacabka reer guuraaga, ama beeralayda ah ee deegaanka oo noloshoodu aad ugu xidhan tahay dhinaca magaalada, ayey dhaqaalo xumada ka jirta magaalooyinku iyaga si weyn u taabatay.
Abaaraha
Waxaa kaloo jira, in xaga baadiyaasha magaalooyinka aad uga fog, ay iyana colaado, iyo roob la'aan darani ka jirto.
Ma jirto haba yaraatee wax mucaawimo ah oo dadkan tabaalaysan uga timaada xaga dawlada deegaanka, amaba tan dhexe. Dawlada deegaanka ayaa lagu sheegaa in mucaawanada la siiyo gobolada, iyo degmooyinka kala duwan ee deegaanka lagu saleeyo hadba sidey degmadaasi ula shaqeyso maamulka guud ee Kililka, macnaha degmada dawlada la jirta ee mucaaradka la dagaalanta, waa looga mucaawimo badiyaa kuwa kale, arintan ayaa lagu tilmaamaa mid ka soo horjeeda xuquuqa bani-aadanimo ee shacabka dulmiga xun ku jira.

Sidoo kale ayaa lagu eedeeyaa hayadaha samafalka ineysan wax muuqda qabanin ee waxoodu u badan yahay musuqmaasuq, iga sheeg, iyo qawda maqashii waxna ha u qaban.
Hayada lagu magcaabo SAAD, ee dhawaanta la dhisay, laguse tilmaamo tan wakhtigan hada ah ugu dhaqaalaha weyn, baa si gaar ah loogu eedeeya ineysan fulin, ama qabanin adeegyo dadweyne oo la taaban karo, marka laga reebo hal, ama laba ceel oo ay ka qodeen dhulaan horeyba biyo la'aani uga jirin sida faafanta Jigjiga oo kale, waxaa kaloo lagu sheegaa hayadani inuu waxqabadkeedu noqday buunbuunin, iyo magac u sameyn madaxda deegaanka, halkay wax ka qaban lahaayeen dadka abaaraha, colaada, iyo macaluushu ku dilootay gobolada hoose ee deegaanka, gaar ahaan degmooyinka fog ee beelaha Ogaadeenka u badani ku tabaalaysan yihiin.







 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.