
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
 Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)
| Dawladii deegaanka oo aad u jahawareersan, iyo Cabdi Iley, oo markale, Addis Ababa buuq uga furmay
Radio Jigjiga (Jigjiga) January-26-2012, Madaxdii dawlada deegaanka ayuu buuq, iyo is khilaaf weyni soo kala dhex galay, kadib markii ay laba madax xafiiseed lumiyeen xilalkii ay dd, ka hayeen, ayey madax xafiiseedyo kale shaki ka qaadeen in iyagana xilalka laga tirsan doono. Madax xafiisyadii kala xukumayey cadaalada, iyo arimaha bulshada ayaa lagu soo waramayaa in si qaab daran xilalkii looga qaaday, hadaba madaxweyne ku xigeenka dawlada deegaanka C/fataax Maxamuud Xasan, oo wakhtigan hada ah noqday kan kaliya ee uu Cabdi Iley, isku halayn karo, waxna ku qarsan karo, ayaa waxaa dhacday iney isaga si weyn uga horyimaadeen, madax kale, oo dawlada deegaanka meelo sarsare kaga jira.
 Baryahan dambe, ayaa la sheegayaa inuu madaxweynaha deegaanku kalsooni la'aan weyn ku qabay madax tiro badan leh, taasoo keentay inuu ku dhici waayey bal inuu qaar ka mid ah qiimeeyo, inkasta oo aan qiimeyn la odhan karin, waayo madaxda badankoodu wakhtiga ay xafiisyada joogeen oo aad u gaaban darteed, ayaase lagu tilmaamay in Cabdi Iley, uu maalinba madax xafiiseed ku eedayanayo inuusan isaga daacad u ahayn, taasina keentay, in madax dhowr ah, iskuguna jira kuwo xilalka laga qaaday, iyo kuwo xil ka xayuubin suge ahiba laga yaabo iney gadood, iyo rabshad ka ridaan dawlada dhexdeeda, warkani, waa waxa ugu weyn ee maanta magaalada Jigjiga laysla dhex marayo.
Dhinaca kale, taniyo markii madaxweynihii Gambela dhabarka laga taabtay, ayuu xaalka Cabdi Ileyna noqday "ninkii qayrkii loo xiirayow soo qoyso adiguna" taasoo uu haba yaraatee wax kalsooni, aaminaad ah, ku qabi waayo madaxdii isaga la shaqeynaysay, marka laga reebo, ninka sida weyn u fahmay Cabdi Iley (C/fataax Maxamuud Xasan) oo isaga sida lagu wado u dhow inuu noqdo, kan dhaxlaya Cabdi Iley, marka ay timaado dhabar ka taabashadiisu, dad badan ayaana arintan rumaysan.
Madaxweynaha deegaanka oo Addis Ababa u tagey inuu soo dhaweeyo, mid ka mid ah xaasaskiisa oo dhinaca Maraykanka ka tagtey, ayaase sida warku sheegayo, loo haystaa dacwooyin ka dhan ah isaga, kuwaasoo loo haysto inuu tacadiyo, iyo ku xad gudub xuquuda Aadanaha ah ka geystay deegaanka Soomaalida, qodobkana waa sababta xilka looga qaaday madaxweynihii Gambeela, oo ay isaga aad iskugu dhawaayeen, safarkii uu sanadkii hore ku tagey Maraykankana ay wada socdeen, arintan oo naloo xaqiijiyey, ayuu warku intaas ku sii darayaa, in eedeymahan cusubi ay dhibaato siyaasadeed oo hor leh u keeni doonaan Cabdi Iley, oo sidaan kor ku xusnay ay arintiisu tahay "waa goorma"!.
Si kastaba ha noqotee, waxaa la filayaa inuusan goorahan Jigjiga dib ugu soo noqon doonin, maadaaama dacwooyin hor lihi ku bilawdeen, lamase garanayo markana waxa u suuragalin doonaa inuu dabinkan ka baxsado, malaha shan nin oo golaha dhexe ee onlf ka tirsan baa soo xaroon doona, iyagoo sheeganaya inuu madaxweynuhu ku dhiiri galiyey samaynteeda, si tana laba ama sadex bilood oo kale uu kursiga u sii joogo.
-la soco wararka dambe-
| | 
 Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |