Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Dawlada Somaliland oo khatar u aragtey shirka wada tashiga, iyo midnimada ah ee ay beesha Dhulbahante ku leedahay magaalada Taleex

Radio Jigjiga (Hargeysa) January-15-2012, Shirka ay beesha dhilbahante ku leeyihhiin magaalada Taleex, kaas oo ay beeshani uga wada hadleyso sidey u yeelan lahaayeen midnimo, iyo iney samaystaan maamul goboleed iyaga u gaar ah, maamulkaas oo aan cidna ka shiidaal qaadan.
Hadaba shirkaas ayey dawlada Somaliland u aragtey mid khatar siyaasadeed, dhaqaale, iyo deegaan ahaanba ku ah, sida la filayey dawladaha Somaliland, iyo Puntland ayaa la rumaysnaa ineysan niyad wanaagsan ku soo dhaweyn doonin shirka beesha Dhulbahante uga socda Taleex.
SSC
Somaland, iyo Puntland ayuu mid walba goonidiisa u sheegtaa gobolada ay beesha Dhulbahante degaan ee Sool, Sanaag, iyo Ceyn, inkasta oo ay beeshani u kala qaybsanaayeen kooxo kala raacsan labadan maamul ee xooga badan, ayeyse ugu dambeyn beesha Dhaulbahante, garteen, isna tuseen sidey muhiim u tahay iney iyagu aayahooda ka tashadaan., kadibna sidaas bey shrikan qiimaha badan u leh midnimadooda ku qabteen.
Balse, inkasta oo aan wali wax cusub laga maqlin dhinaca Puntland, ayeyse dawlada Somaliland, dhinacooda walaac, iyo hanjabaad isku jirta ka soo gudbiyeen.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo la hadlayey golayaasha baarlamaanka ee Somaliland, ayuuba ku sheegey "in shirka ay wataan koox fidna wadayaal ah oo isla markaana ku caanbaxay nacayb gaar ah oo ay u qabaan Somaliland" waa siduu hadalka u dhigaye, sidoo kale ayuu madaxweyne Siilaanyo ku hanjabey inuuna u dulqaadan doonin kala qeybinta Somaliland, taasuu uu ula jeedo, inuusan ogolaan doonin in beesha Dhulbahante samaysato maamul iyaga u gaar ah.

Hadaba sida ku cad hadalka madaxweyne Siilaanyo, ayuusan carabaabin gobolka ay wada degaan beelaha Harti sida Dhulbahante, iyo Warsangeli oo dhinac ah, iyo beelaha  Habar Yoonis, iyo Habar jecle, oo dhinaca kale ah, arintan ayaa loo arkay in madaxweyne Siilaanyo, iyo dawladiisu ay walaac xun ka qabaan maamulka SSC, taasoo haduu suurogalo, qaybo badan oo deegaan ahaan ay besha Dhulbahante degto ka soo wareejin doono dhinaca maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, waxay u egtahay in isku tashiga ay beelaha SSC la yimaadeen ay shaki, iyo khilaaf dhex dhigi doonto maamulka Somaliland, iyo beelahan reer SSC, sidoo kale ayaa la odhan karaa Siilaanyo, iyo maamulkiisu wey ku khaldan yihiin, iney ka hor istaagaan beelaha SSC, iney aayahooda ka tashadaan, maadaama ay beel walba dooneyso ineysan beel kale xukumin, ee iyada kalii ahi ay aayahooda ka tashadaan.


Siilaanyo



 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.