Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

DUKawlada Ingiriiska oo laga yaabo iney si buuxda u qabsato dalka Somalia

Radio Jigjiga (London) 12-26- 2011, Boqortooyadii ugu xooga weyneyd intii, dawlad soo martay, aduunka sadexdii boqolee sano ee la soo dhaafay, ayaa markale damacsan iney dib ugu soo noqoto qaarada afrika ee ay lixdanka sano ka maqnaayeen.
Todobaadkii hore, ayey dawlada Ingiriisku shaacisay iney dawlad la'aanta ka taagan Somalia ay khatar dhinaca nabad galyada ah ku hayso dalkeeda, arintan ayey dadka siyaasada geeska Afrika falaanqeeya u arkeen iney dawlada Ingiriisku qorsheenayso iney gabi ahaan damacsan tahay iney qabsato, ama la wareegto dalka Somalia.

Hadaba dalka Somalia, oo ay aad ugu badan tahay, waxyaabaha dhaqaalaha dabiiciga ah, sida Oil, Gas, macdan kala duwan, iyo khayraad kale oo aad u badan, ayeyse Soomaalidu dagaal dhexdooda ah oo aduunku la yaabay sabab la'aantiisa ka dhex taagnaa labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Balse labadii sano ee ugu dambaysay ayey u egtahay inuu indhaha caalamku ku soo jeedo, taasoo dawlada hada Somalia ka jirta, ee tamarta daran, balse aqoonsiga buuxa haysata ay kaalmooyin ciidan, iyo si kaleba u imanayey.

Faragalintii ay dawlada Kenya ciidamada u dirtay dhinaca Somalia, ayaa loo arkay, iney dawlada Ingiriisku ahayd, xooga daba taagan, dalka Kenya, waayo waxaa la rumaysan yahay, ineysan dawlada Kenya si weyn ugu dhiiranaan karin iney dagaal la gasho ururka Al-Shabaab oo haysta qaybo badan oo ka mid ah gobolada Koonfureed ee Somalia, hadii aysan quwad reer galbeed ahi taageerayn. Sidaa darteed waxaa loo arkay dagaalka Amisom inuu yahay dagaalka dawlada Ingiriiska (Britain's proxy war).

Si kastaba ha noqotee, haday dawlada Ingiriiska, iyana soo fara galiso arimaha Somalia ayaa la filayaa iney wax weyn ka badali doontoo, arinta murugsan ee ka taagnayd Somalia sanado badan, dadka kale oo arimaha siyaasada u dhuun daloolana waxayba rumaysan yihiin, iney dawlada UK, tartan siyaasadeed kula jirto, dalka Turkiga oo damacsan iney si buuxda ugu soo noqdaan geeska Afrika, siiba xeebaha Soomaaliya oo ay sheegan jireen wakhtiyo badan.



Xidhiidhka Turkiga, iyo Faransiiska oo soo xumaanaya

Dhinaca kale, kadib markii ay baarlamaanka France ay Turkiga ku cambaareeyeen iney ka dambeeyeen xasuuqii Armeniyiinta (Armenian Genocide) ayuu Ra'iisul wasaraha dalka Turkiga Tayyip Erdogan, isna dhinaciisa ku eedeeyey iney dawlada faransiisku xasuuq u geysatay shacabweynaha Algeria, dagaalkii xornimo doonkooda intuu socday.
Sidoo kale, Tayyib Erdogan, ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Faransiiska Nicolay Sarkozy, inuu yahay nin abaal laawe ah, waayo madaxweynaha Faransiiska awowgii ayaa ka mid ahaa Yuhuudii ku noolayd magaalada Salonika, oo markaa ka tirsanayd boqortooyadii Cusmaaniyiinta, dadkaas oo lagu magacaabi jiray Donmeh, ayey dawladii Cusmaaniyiintu (hada Turkiga) si fiican ula dhaqmi jirtay, inkasta oo laguba eedeeyo iney iyaguba (Donmeh) ay aakhrikii inqilaabeen boqortooyadii ugu dambaysay ee Islaamiga ahayd, Suldaanikii ugu dambeeyeyna xabsiga ku dhintay, taasina keentay inuu Turkiga madaxweyne ka noqdo, ninkii la odhan jiray Kamal Hassan Ataturk, oo isna ka tirsanaa Yuhuudaas la odhan jiray "Donmeh".
Magaalada Salonika ayaa hada ka tirsan dalka Giriiga.
Ugu dambeyn waxay u egtahay in geeska Afrika, markale noqonayo meel ay quwadaha waaweyni ku looltamaan, waxaana suuragal ah, in loolankani nabad, iyo horumar u keento region-kan, oo  abaaraha, dagaalada, iyo dawlad xumida la liicayey sanadaha badan.





 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.