Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Dawlada dhexe ee Itoobiya oo ku talo jirta, in albaabada layskugu dhufto CakaaraNews

War deg-deg ah, oo caawa na soo gaadhay, ayaa ku waramaya, iney wasaarada warfaafinta ee dawlada dhexe, ku talo jirto, in gabi ahaanba albaabada layskugu dhufto CakaaraNews.

Boga uu sida masuuliyad darada, ciyaala suuqnimada, iyo aqoon la'aanta ah u soo qoro, madaxweynihii hore, ee deegaanka Cabdi Iley, ayaa warku sheegayaa, iney dawlada dhexe ku talo jirto, in si buuxda khadka looga saaro.
Breaking News
Warkan oo aanu ka helnay ilo muhiim ah, ayaa noo sheegay, in ka dib markii dacwooyin aad u fara badani ay soo gaadheen, wasaarada warfaafinta ee dawlada dhexe, ay arintaasi keentay in go'aan laga gaadho jiritaanka web-kan.
CakaaraNews, ayaa inta badan ku caan baxday, xishood daro, ay misana ku dheehan tahay, jaahilnimo ka horjeeda, dhamaan shuruucda u yaala, saxaafada, iyo habka ay u shaqeyso.

Nin walba, wuxuu yaqaano, ayuu qoraaye, jaahilnimada, iyo sharci jabinta lagu xasuusto CakaaraNews, ayaa waxaa ka mid ah: raggii xoolo dhaqatada ahaa, ee beesha Ogaadeena u dhashay, ee intuu Cabdi Iley soo xasuuqay, misana sida naxdinta leh, sawiradii, iyo video-gii laga soo qaaday loo soo galiyey boga CakaaraNews.
Arintan, ayaa ahayd mid ka horjeeda dhamaan sharciyada xaquuqul iinsaanka u yaala, sida dhabtu tahayna, waa mid Cabdi Iley, lagula xisaabtami doono.

Hadaba, sida warku sheegayo, waxaa kaloo suuragal ah, in iyana la soo xidho, dhamaan dhalinyarada uu Cabdi Iley galaaftay, ee ka hawlgala web-kan.

-la soco wararka dambe-






 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.