
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dawlada dhexe ee Itoobiya oo aqoonsatay, isla markaana soo dhaweysay maamul goboleedka Azania
Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa markii ugu horaysay aqoonsatay, soona dhaweysay dawlad goboleedka Azania ee dalka Soomaaliya. Sida aanu ku hayno warar xogogaal ah, soona gaadhay warbaahinta Radio Jigjiga ayaa sheegaya in ergey sare oo ka socda dawlada dhexe ee Itoobiya uu maalmaha soo socda madax ka mid ah, hogaanka sare ee maamul goboleedka Azania kulan la qaadan doono.
 Ergeygan oo aan naloo magacaabin, jagada uu dawlada Itoobiya ka hayo, goobta kulanku ka dhici doono, iyo magaciisa toona, ayaa hase yeeshee lagu rajo weyn yahay inuu si buuxda ugu cadeeyo maamul goboleedka Azania iney dawlada Itoobiya si buuxda oo aan haba yaraatee wax shuruud ah lagu xidhan u aqoonsatay maamulka Azania ee uu hogaamiyo, madaxweynaha maamulkaas Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi. Arintan ayaa lagu rajo weyn yahay iney labada dhinacba wax u tari doonto, sida dhabta ahna ay suugal tahay, iney nabad, iyo horumar u keento labada dal ee Itoobiya, iyo Soomaaliya.
 Dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa walaac, iyo shaki weyn ka qabtay maamul goboleedka Azania, taasoo dad matalaya beelo dano gaar ah lihi, ay warxuma tashiil ka dhex wadeen arinta Azania, dadkan ayaa inta badan ku andacoon jiray, in hadii maamulka Azania uu meel maro uu khatar siyaasadeed, iyo mid ciidanba ku yahay dawlada Itoobiya.
Balse sida dhabtu tahay, maamulka Azania, dawladna khtar kuma aha, ee waa uun maamul ka mid ah maamulada ay Soomaalidu dhisatay. Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayey dan weyni ugu jirtaa iney si buuxda u aqoonsato dawlad goboleedka Azania, waayo sida runtu tahay, beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu badani, waa isla beesha ugu badan dawlad goboleedka Azania, markaa aqoonsiga, iyo taageerida ay dawlada Itoobiya ku wajahdo maamulka Azania, waxaa lagu tilmaami karaa iney faaiido dhinac walba ugu jirto.
Ugu dambeyn madaxda dawlad goboleedka Azania, ayey u badan tahay, iney qaateen taladii halkan Radio jigjiga looga soo jeediyey, taasoo ahayd in madaxweynaha Azania, iyo maamulkiisu ay safar siyaasadeed ku yimaadaan dalkan Itoobiya, si xal buuxa oo siyaasadeed loogu helo is mari waaga dhexyaala labada dhinac, isla markaana meesha looga saaro dadka ku shaqeysta waxa loogu yeedho "kula lihi"
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |