Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Dawlada, iyo shacabka Soomaaliland oo duulaan adag ugu jira sidey shiidaalka deegaanka qayb uga heli lahaayeen

Radio Jigjiga (Hargeysa) Waxaa baryahan dambe isa soo taraya, hadal haynta shiidaalka lagu rajo weyn yahay in gobolo ka mid ah deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaro.
Ka dib sida loo shaaciyey in dawladaha Itoobiya, iyo Shiinuhu ku heshiiyeen in shiidaal laga qodo dhulweynaha deegaanka, kadibna laga dhoofiyo magaalada dekeda weyn leh ee Berbera, dekeda Berbera, oo lagu sheego iney ka mid tahay, dekedaha ugu weyn ee ku yaala qaarada Afrika, waayo dekedan ayaa markeedii hore loogu tala galay, iney noqoto deked ay ciidamada badu isticmaalaan (milatary navy base).
Dawlada, iyo shacabaka Soomaaliland oo duulaan adag ugu jiray sidey shiidaalka deegaanka qayb uga heli lahaayeen
Hadaba heshiiskaas sadex geesoodka ah, ayaa lagu soo waramayaa iney maalqabeenada, iyo shacabka Soomaaliland, damac weyni ka galay, ineysan kaliya ku ekaanin dhoofinta shiidaalka ee dekeda Berbera, balse ay deegaano ku yeeshaan, meelaha laga qodayo, ama laga soo saarayo shiidaalka, sida ceelasha shiidaalka ee gobolka Dhagaxbuur oo kale.

Waxaa kaloo jirta, in dad badan ay doonayaan, iney u soo guuraan dhinaca deegaanka Soomaalida, iyagoo ku soo biiraya shacabka horeyba deegaanka u sii degenaa, balse abtirsiinta la wadaaga reer Somaliland.
Sida warar xogogaal ah aanu ku hayno, waxaa magaalada Hargeysa, ka socda abaabul, iyo kicin la doonayo, in lagu hawlgaliyo, dadka maal-qabeenada ah ee ka soo jeeda Somaliland, taasoo la doonayo sidey u maal galin lahaayeen dadka la doonayo iney degaan gobolka Dhagaxbuur.

Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya, wufuuda ka socota xaga Somaliland ee soo gaadha caasimada deegaanka ee Jigjiga, inta badana waxaa wafuudaas la socda rag maal-qabeeno ah, oo ku tala jira, sidey maalgashi ugu samayn lahaayeen deegaanka Soomaalida, maadaama ay horeyba dad badan oo hanti badan haysta, misana Somaliland aad looga ixtiraamo, dhalasho ahaana la wadaaga, ay deegaanka konturaadyo waaweyn ka qaataan.










 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.