Radio Jigjiga Home     Ogeysiis
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

WDr. Axmed Sheekhareysigii uu warsidaha afdheer.com la yeeshay madaxii hore ee xafiiska deegaanka u qaabilsan cilmi baadhista, mudane Dr. Axmed Sheekh, oo loo arkay inuu iftiin ku shiday guud ahaan sida ay dawlada deegaanku u shaqayso
SFree Pressaxaafada xorta ahi saaxiib joogto ah ma leh

al)
Doorashadii Cabdi IleySanad guuradii Koowaad ee madaxweyne-nimada Cabdi Maxamuud Cumar, maxaa khaldamay, maxaase la qabtay (faalo)

Dalka Itoobiya oo aad looga soo ixtiraamayo beelaha, ama qawmiyadaha yaryar, iyo haweenka

Dalweynaha Itoobiya ay dawlada hada talada haysaa aad u dhiirigalisaa sidii kor loogu qaadi ka qaybqaadashada ay dawlada ku leeyihiin, beelaha, ama qawmiyadaha yaryar, iyo haweeenka, balse arintan ma ujeedo siyaasadeed baa laga leeyahay?

Dalka Itoobiya oo isaga waligiiba lagu yaqaaney in dawladu kala duwani soo xukumi jireen, ayaa hase ahaatee ilaa iyo intii ururuka hada talada haya ee loo yaqaan EPRDF markuu xukunka hantiyey sanadkii 1991kii lagu arkay calaamado aan horey loo arag.
map
Calaamadahan ayaa waxaa ka mid ah in aad loo buunbuniyo xuquuqda beelaha, ama qawmiyadaha yaryar, iyo haweenka.
Markaa inagoo kala dhigdhigeyna arintan, ayaa dalka Itoobiya lagu sheegaa in habka dimuqraadiyada madaxa loo foorariyey, waayo dalkan beyna wax doorasho xor ahi ka dhicin, kaba sii darane, waxaa dhacda in qawmiyadba, qawmiyada ay ka yar tahay, qayb libaax laga siiyo talada dalka.
Haweenka oo iyagu dhibaatada haysata la wadaag wadamada loo yaqaan dunida sadexaad, ayaa hadana Itoobiya si weyn layskaga dhigaa in wax loo qabanayo, balse Itoobiya marka loo fiiriyo wadamo badan oo la heer ah, wax weyn ma dhaamaan haweenkoodu.

Deegaanka Soomaalida, iyo sida wax loo maamulo

Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa lagu maanulaa hab aad uga duwan deegaanada kale ee Itoobiya, waxba wax ka sii darane, waxaad arkaysaa in ninba ninkuu ka xumaa, ka shaqsiyad qaab daraa dadka madax loga dhigo, markaad dhab ahaan u sii fiirsatana waxaad arkaysaa in shaqsiba shaqsiguu ka cuqdad, iyo necbaansho badnaa laga fadlio dadka intiisa kale, waxaa kaloo jirta in shaqsiga necbaanshaha gaarka u qaba beesha uu ka dhashay, amaba aanyooyin xun u haya reerkuu ka dhashay meesha ugu sareysa la geeyo.

Waxayaabaha kale ee dadka qaar ka yaabiyey ayaa waxaa ka mid ah in beelaha Soomaalida la kala sooco, walibana sida ay u kala yar yihiin loo kala fadilo, kan madaxda noqonayaana waa kan ugu naxariista daran, necbaanshaha dadkiisu aad ugu dheer yahay.
Markaa miyeysan madaxdan markii horeba sida xun laynoogu soo xulay, ahayn waxa ugu weyn ee horumarka, iyo nabada  hortaagan?.


la soco qaybta labaad.








 

  
Jigjiga FM
Warbaahintii dawlada deegaanku lahayd ee magaalada Jigjiga oo lagu soo waramo inuu madaxweyne Cabdi Iley u adeegsanayo danihiisa gaarka ah

Wakhtiga U Dhiman Cabdi Iley

Waraaqaha Dadweynaha

Misgistu, iyo Cabdi Iley
Maxaad kala socotaa, labada nin ee deegaanka Soomaalida, soo xukumay, misana loogu necbaanshaha badan yahay?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 7-29-2011, Dadweynaha ku nool deegaanka Soomaalida, gaar ahaan, kuwooda degan caasimada Jigjiga, ayaa isku wada raacay, in intii madax, iyo masuuliyiin ka soo noqotay dhulkeena loogu necbaansho badnaa laba nin. Warkii oo Dhan
taalada Sayidka
W
aa maxay sababta guriga shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?


Radio Jigjiga (Jigjiga) 8-5-2011, Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay dood weyni ka taagneyd sababta aqalka shirarka ee magaalada Jigjiga loogu magac daray Sayidka. Warkii oo Dhan
 
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2000-2011 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.