Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Dalka Djibouti, oo laga yaabo iney ciidamo geyso qaybo ka mid ah Somalia

Radio Jigjiga (Djibouti) Dawlada wadanka Djibouti, ayaa lagu soo waramayaa iney ku talo jirto iney ciidamo nabad ilaalin ah u dirto gudaha dalka Somalia, balse wuxuu khilaaf ka taagan yahay meeshii la geyn lahaa ciidamadaas.Calanka Djabouti
Sida warku sheegayo, dawlada Djibouti, ayaa soo jeedisay iney ciidamo geyso deegaanka Saylac, iyo lughaya ee hada looga taliyo Somaliland, balse waxaa arintan ka caga jiidaya madaxweynaha ku meel gaadh ah ee Somalia Sheekh Shariif, oo isagu cabsi siyaasadeed ka qaba in rabshad, iyo buuq kale uga yimaado dhinaca Somaliland.

Sidoo kale, ayaa la filayaa in ciidamo kale oo badan, loo diro dalka Somalia, kuwa Djibouti ka imanayaana, waxaa la filayaa iney wax weyn ka tari doonaan taageerida dawlada tamarta daran ee Somalia, dawladan oo aan awood buuxda u lahayn, iney dalkaas si buuxda u maamusho, iskaba daa, iney kooxaha mucaaradka ku ah, iska caabisee.

Waxaa la rumaysan in Djibouti ay ka go'an tahay iney ciidamo galiso gudaha dalka Somalia, sidey ciidamo u galiyeen dawladaha Kenya, iyo Ethiopia oo kale. Siyaasiyiin aad ula socda qorshaha dawlada Djibouti ee ku wajahan ciidamo galinta Somalia ayaa saadaalinaya in hadii ay ciidamo galiso gudaha Somalia, ay ciidamadaas badankooda la geyn doono deegaanada Saylac, iyo lughaya, oo xidhiidh dhaqan la leh dalka Djibouti.





 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.