
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dadweynaha magaalada Jigjiga, oo maalintii labaad ee ciida Adxa, si fiican u ciidaya
Radio Jigjiga (Jigjiga) 11-07-2011, Shacabweynaha deegaanka ayaa maalintii labadd si farxad leh u ciidaya. Guud ahaan, shacabweynaha ku nool, sagaalka gobol ee uu ka kooban yahay ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa si nabadgalyo, iyo farxadi ku dheehan tahay u ciidaya ciida carafo, maalintii labaad.
  Hadaba dadweynaha kala duwan ee degan caasimada ayaa iyagu, si gooni ah u ciidaya maalintii labaad, dadkan ayaa markii ugu horeysay ciidaya, iyagoon haba yaratee, wax cabsi, ama caga juglayn ahi, uga imaneyn Cabdi Iley. Cabdi Iley, ayey caado xun u ahayd inuu dadka bahdil kula kaco, maalmaha farxada, iyo xushmada mudan, sida maalamaha ciida. Dadkan ayaa si weyn iskugu hambalyeynayey, maqnaanshaha uu argagixiso Iley ka maqan yahay, magaalada, iyo guud ahaan talada deegaanka. Shantii sano ee la soo dhaafay, ayuu argagixiso Cabdi Iley, ummada deegaanka cay, ceebayn, iyo ciqaabid kula dhex jiray, sanadahaas oo iskugu jira intuu ahaa ka hoos guuraha madaxweynayaashii hore ee deegaanka (de facto president) iyo hal, sano iyo badh ku dhawaadkii la soo dhaafay ee uu waalida ku maamulayey.
Sida nala soo gaadhisiiyey, ciidayaasha ayaa isku salamayey, waa ciid sharaf leh, oo deegaankiina sharaf baa ka jirta, maadaama uu meesha ka maqan yahay, ninkii ay dadweynaha magaaladu sida weyn u necbaayeen, inta badana ugu yeedhaan "sharaf laawaha waalan ee Jigjiga" (the disgraced crazy man of Jigjiga).
Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Iley, ayaa laba maalin ka hor laga hor joogsaday inuu u duulo, dhinaca magaalada Jigjiga, si uu sidii dhaqan-xumada u ahayd u caayo, isla markaana ugu hanjabo shacabka magaalada Jigjiga, siiba maalmahan ciida ah. Hor joogsigan ayey isaga ku sameyeen ciidamo Booliiska dawlada dhexe ka tirsan, oo isaga si gaar ah loogu soo diray, iyagoo amar ku haystay inuusan Cabdi Iley, Addis meelna u dhaafin, ilaa, iyo inta si buuxda go'aan looga gaadhayo.
Dhinaca kale, Cabdi Iley, oo dunidii iska soo xidh-xidhey ayaa maciinsaday inuu Oromada, iyo Qawmiyadaha kale kula ciido, meelo aan la cayimin. War aan wali la xaqiijina wuxuuba ku waramayaa, in Cabdi Iley, aan duulista looga joojin inuu Jigjiga aadoo kaliya, balse looga shaki qabay inuu doonayey inuu dalka ka baxsado, si uu dibadaha ugu goosto. Cabdi Iley, ayaa horey looga maqlay isagoo leh "anigu ama shanta sano baan dhamaysan, ama lacagtayda baan dibadaha ku cuni". Cabdi Iley, ayaa la rumaysan yahay inuu hanti badan oo uu shacabka tabaalaysan ee deegaanka ka dhacay, guryo, iyo hanti kale dalalka dibadaha dhigtay sida Abu Dubai oo kale.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |