
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Dadkii lagu xasuuqay magaalada Gunagado oo siyaabo kala duwan loogu soo kala qoray boggaga kala taabacsan dawlada Itoobiya, iyo ururuka ONLF
Radio Jigjiga February-17-2012, Warar kala duwan ayaa kasoo kala baxaya boggaga inta badan is buriya ee kala taageera ururuka ONLF, iyo dawlada Itoobiya. Dadkan sida foosha xun ee bani-aadnimada ka baxsan loo xasuuqay ayaa siyaabo kala duwan looga soo kala waramay, dhinaca dawlada Itoobiya bogga taageersan ee Cakaaranews ayaa lagu soo qoray in 13 nin oo ka tirsan ururka onlf ay ciidamada LB ku dileen degmada Gunagado, halka bogga Ogadentoday lagu soo qoray in 13 nin ka tirsanaa shacabka magaalada Gunagado lagu xasuuqay degmadaas dhexdeeda.
 Hadaba sida lawada ogyahay xasuuqan ayaa lug, iyo raad ku leh safarkii uu dhawaan ku tagay degmada Gunagado madaxweynaha deegaanka Cabdi Iley, sidoo kale ayuu xasuuqo dhacay laba todobaad kadib markuu u dhamaaday safarkiisu. Waxaa kaloo jirtay in dadkaas la dilay qaarkood uu Cabdi Iley Video ka soo duubtay iyagoo ONLF, iyo madaxdooda caayaya. Hadaba arintan Video-ga ayaa la odhan karaa waa waxa sababay xasuuqan.
Inkasta oo aanaan haynin cadayn dhab ah, iyo sida wax u dhacay, hadana markaan fiirino waxay u badan tahay, in intay markii hore ONLF dhisay dad looga shakisan yahay iney Cabdi Iley, ama dawlada Itoobiya la shaqeeyaan ay dabadeedna ciidamada Itoobiya, ama LB ay xasuuq kula kaceen dadkii ay iyana shakiga uga qabeen iney ururuka ONLF la shaqeeyaan. Arintan waxaa cadayn loo soo qaadan karaa odayga la dilay ee Cabdi Qaadir Guuleed Adan Foolow oo runtii cida dishey muran weyni ka taagan yahay, taasoo qolaba ay qolada kale ku eedaysay dilkiisa. Si kastaba hanoqotee, waxaan shaki ku jirin in meesha xasuuq darani ka dhacay, ayna waajib tahay in ururada xaquuqda aadanaha u dooda ay baadhitaan ku sameeyaan si loo ogaado cida sida dhabta ah u xasuuqday shacabkan aan waxba galabsan. Ugu dambeyn, dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah imaamkii masaajidka magaalada, iyo nin ganacsade ahaa, hadaba dilida labadan nin ayaa tusaale loo soo qaadan karaa in loo dilay sidii xasuuq qorshaysan oo kale, waayo labadan nin oo kale ma aysan ahayn dad iska caadiya ee waxay ka mid ahaayeen xubnaha muhiimada ku leh bulshada dhexdeeda. Waxaa kaloo wax laga xumaado ah, ama naxdin leh arinta Cakaaranews lagu soo qoray ee ah in ninka lagu magacaabo "Cabdi Ciwal" loo dilay oo kaliya inuu jilib hoose la yahay gudoomiyaha ururka ONLF, Maxamed Cumar Cismaan, cadayn kale looma baahna, halkan bey isku cadeeyeen kooxda ina Iley in dadka layska xasuuqo bilaa sabab, iyagoon haba yaraatee aan wax dambi ah galin, waana gumaysi, iyo ku tacadi iska cad. Hadaba sida halkan ku cad in waxa kaliya ee shacabka lagu dilo, ama lagu xasuuqaa ay tahay iney jufa hoose la yihiin nin mucaarad ah, shaki kuma jiro in dilkan oo kale uu maxkamadaha caalamiga ah ee xaquul-iinsaanka si fiican u istaagi karo, cadaaladana loo adeegsan karo. Iyana waxaa wax lala yaabo ah in ururada sheegta iney u doodaan xaquuqda shacabka dulman ee Soomaalida Ogaden iney inta badan iska samaystaan warar aan maxkamadaha caalamiga istaagi karin, ayna iska indho tiraan cadaymahan oo kale, ama ugu yaraan aysan diwaan galinin (not documented at all) dhacdooyinka dambi ee maalin, iyo habeen walba lagula kaco shacabka xaqiran, CakaaraNews archive, waa barta la rabo in laga bilaabo tacadiyada gumaysiga maadaama ay iyagu ganactooda ku soo qoreen.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |