Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Daauud, iyo C/Laahi Lugbuur, oo wali siyaasada deegaanka lugaha kula jira

Labaatan sano ku dhawaadkii ay dawlada deeganku dhisnayd ayaa waxaa caado u ahayd in hadba madaxweynaha dhabarka laga taabto, hadana meeluu dhabarka dhigo looga raadiyo xabsiga Jigjiga, balse labadii ugu dambeyey ee dhabar ka taabshadu ku dhacday, ayaa wali dhinacna uga bixi la' wixii markii horeba dhabar ka taashadooda keenay.
Waxaa inta badan lagu yaqaanaa madaxda dhamaan gobolada dalka Itoobiya in marka masuul xilka laga qaado, uu si toos ah siyaasada dawlada faraha ugala baxo, waa macnaha ugu yaraana xafiiskii horey looga qaaday arimahiisee.
Daauud, iyo C/Laahi Lugbuur,
Hadaba mudadii ay dawlada deegaanka dhisnayd, ayaa waxaa dhici jirtay in marka madaxweynaha xukunka laga qaado, isla markaana loogu dari jiray in xabsiga la dhigo.

Laakiin labadii ka horaysay kan hada talada deegaanka haya, waa Daauud Maxamed Cali, iyo C/Laahi Maxamed Xasan, ayaa iyaga markii xilka laga qaaday, aan caadadii kililka la waafajin, waa caadadii jeelka ku ride, horaa loo yidhi "caado laga tagaa cadhe eebe bey leedahaye", malaha waxayba ku qumanayd, in labadana maqsin yar looga raadiyo, jeelkii caanka ahaa, si ay gabi ahaanba arimaha dawlada deegaanka faraha ugala baxaan.

Labadan nin oo jagooyin lagu kala tilmaamay "meelaha banaan ku buuxi" ka haya dawlada dhexe, ayaa, misana aad loogu dhex arkaa magaalada Jigjiga, hadaba dadweynaha magaalada ayaa inta badan isla dhex mara, Daauud, iyo Lugbuur baa madaxnimada deegaanka dib loogu soo celin, iyo Cabdi Iley, ayaa isagu si gooni ah ugu yeedhay Daauud, maadaama uu isaga Cabdi Iley ahi, arin hebel wax ka qaban waayey, iyo C/Laahi Lugbuur, baa reerkaas, & Cabdi Iley u kala dab qaadaya iwm.

Dhanka kale, madaxweynaha deegaanka oo lagu sheego in dadka u nacamleeya uu xataa naago la qayila u keeno, ayaa ay taageero xumo aad u weyni ku haysataa siyaasada deegaanka, ka dib markii uu ragii cuslaa ee deegaanka ka dhigey kuwo intuu la dagaalo sidaa uga tagay, iyo kuwo dawlada dhexe uga haajiraba, ayey dantu ku qabatay inuu miciin moodo, Daauud oo horeyba deegaanka si weyn looga nacay, uu misana Jigjiga ugu wehel yeelo.
Balse, Daauud, oo aan lahayn nasiib siyaasadeed (no political luckiness), ayaa laga yaabaa inuu nasiib daradaa ugu dambeyn lugta u galiyo Cabdi Iley.


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.