Colaad hor leh oo ka dhalatay khilaafaadkii dhinaca nabadgalyada ahaa ee dhexmaray maamulka deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyo Somaliland
Radio Jigjiga (Tog Wajaale) Kadib markii, ay booliska magaalada Tog wajaale, ee dhinaca Somaliland, habeenimadii khamiista (9kii June, 2011) xabsiga dhigeen niman la sheegay iney ka tirsanaanyeen, booliska dhar cadka ah ee ka hawl gala deegaanka, taasoo iyana keentay in liyuubooliska deegaanku dhinacooda ka qafaashaan gaadiid., iyo dadkii saarnaa.
Sida warku sheegayo, baabuurka la qabtay ayaa la sheegay inuu lahaa taliyaha nabad sugida Somaliland. iskhilaafkan labadan maamul, ayaa ku soo beegmay xili uu isku diyaarinayey la wareegida maamulka, gudoomiyaha cusub, ee degmada Aw Bare Cabdi Geedi, oo sida la sheegay ay booliska dhar cada ahi ka soo raaceen gudoomiyaha cusub dhanka magaalada Jigjiga, in ksta oo aysan kala cadeyn in gudoomiye Cabdi Geedi, dhacdadan ka war hayey, iyo in kale, ayaa ay booliskii dharcada ahaa intay isla habeenimadiiba u talaabeen dhinaca Somaliland soo qabteen, shaqsiyaad la sheegay iney ka tirsan yihiin, xawilaadaha, Dahabshiil, iyo Kaah., nimankan xawaaladaha kala haya ayaa la rumaysan yahay in xaga maamulka Kililka looga eedeeyey iney ku jireen hawlo dhanka nabada galyo darro ah, walise ma kala cada waxa dhabta ah ee dhar cadka liyuu boolisku u doonayey in loo soo xidho.
Hadaba si kastaba ha noqotee, dad kala xidh-xidh kaas ka dib, ayaa la sheegay in ilaalada xadka ee dhinaca Kililka amar lagu siiyey, iney gabi ahaanba xidhaan isku socodka, ganacsiga, iyo xadkaba. Xadka Tog Wajaale, ayaa lagu sheegaa inuu ka mid yahay meelaha ugu waaweyn ee ganacsiga ka jiro, labada dhinacna dhaqaale culus ka soo kala galaan.