
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Codsiga ay dawlad goboleedka Puntland, codsatay in ciidamo Amisom ah la keeno magaalada Gaalkacyo oo siyaabo kale loo kala arkay
Radio Jigjiga (Garoowe) 10-23-2011, Dadka siyaasada geeska Afrika falanqeeya, ayaa siyaabo kala duwan u kala sheegay, ciidamada ay codsatay dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, iyo ujeedada ka dambeyn karta. Maamul goboleedka Puntland ayaa ka codsaday ururka midawga Afrika, in ciidamo nabad ilaalin ah la keeno qaybo ka mid ah maamulkaas, sida magaalada Gaalkacyo.
 Magaalada Gaalkacyo, ayaa ahayd meshii bishii la soo dhaafay ay dagaaladu ku dhex mareen, maleeshiyo beeleed ka mid ah beelaha dega gobolka Mudug, iyo ciidamada nabad galyada ee maamulka Puntland. Dagaalakan ayaa la rumaysan yahay, inuu ahaa dagaal qorshaysan oo madaxda sare ee dawlad goboleedka Puntland ay horey u diyaariyeen, waayo waxaa la sheegaa in aysan maamulkani wax wakhti ah iskaga lumin, cida, ama ciidamada ay dagaalka kula jiraan, iyagoo markiiba carabaabay, iney ururka Al shabaab ee koonfurta Soomaaliya badankeeda haysta ay ahaayeen, xoogaga ay ku dagaalamayaan gudaha magaalada Gaalkacyo, balse beesha uu dagaalkaasi ka dhaxeeyey ayaa si weyn gaashaanka ugu dhufatay, sheegashada Puntland.
 Si kastaba ha noqotee wuxuu madaxweynaha Puntland ku guulaystay inuu ururka midawga Afrika ka dhaadhiciyo, baahida loo qabo in ciidamo la mid ah kuwa Muqdisho jooga oo kale, si dhaqso ah loo keeno, magaalada Gaalkacyo, qorshahana wuxuu u muuqdaa, mid meel maraya, waxaana suuragal ah in ciidamo ka socda ururka midawga Afrika la keeno deegaankaas, iyadoo laysla dhex marayo, in hawshaas ay dawlada Itoobiya hogaamin doonto. Ciidamada itoobiya ayaa loo badinayaa ineysan tagi doonin gobolada Koonfurta Soomaaliya ku yaala, sida nawaaxiga Muqdisho, iyo gobolada jubooyinka, xidhiidh aan fiicnayn oo ay Itoobiya la leedahay deegaanadaas, iyo beelaha dega awgeed, balse hadiiba ay Itobiya ciidamo markale, gudaha Soomaaliya u dirto, waxay u badan tahay iney tagi doonaan, deegaanada horeyba looga soo dhaweyn jiray sida Puntland.
Hadaba waa maxay, ujeedada dhabta ah ee dawlad goboleedka Puntland u doonayso in ciidamadaas la keeno dhulkeeda?. Dad badan ayaa rumaysan in ujeedadu tahay sidii meesha loo soo galin lahaa siyaasad ahaan, dawlad goboleedka kale ee Somaliland, labadan dawladood ayuu tartan adag oo dhinaca siyaasada ahi, ka dhaxeeyey sanadihii la soo dhaafay, iyadoo labada beelood ee kala xukuma labadan maamulna ay taariikh ahaan xukunka dawladii Soomaaliyeed ugu badnaayeen xornimada dalkooda ka dib. Puntland ayaa dhisideedii horeyba lagu tilmaamaa iney lug weyn ku lahayd goosashada ay somaliland ku dhawaaqday, ka dib markii ay dawladii Siyaad Bare dhacday, taasoo Puntland ula jeeday in aduunyada, gaar ahaan ururka jaamacada Carabta, iyo kan Afrikaba lagu cadaadiyo ineysan marnaba aqoonsan maamul sheegta gooni isku taag, sida Somaliland oo kale.
Ugu dambeyn siyaasiyiinta Puntland, ayaa inta badan sheegta in hadii ciidamo ka socda midawga Afrika, ama meel kaleba ha ka yimaadaane, la keeno deegaano hoos yimaada Puntland, ay iyaguna codsan doonaan, in sidaas oo kale ciidamadaas la geeyo maamulka Somaliland, taasina ay meesha ka saari doonto,aqoonsiga dawladnimo ee ay xukuumada Somaliland geedka gaaban, iyo dheerba u kortay helideeda, laakiin aduunyadu dhegey jalaq u siin waday .
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |