Ciidanka cirka ee dawlada kenya oo laga yaabo iney duqeeyaan saldhigyada Al Shabaab
 Ciidanka cirka ee dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa, iney ku talo jiraan duqeyn xaga cirka ah, oo ay ku qaadaan, saldhigyada ururka Al Shabaab, ay ku leeyihiin, gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Af hayeen u hadlay dawlada kenya ayaa warbaahinta u sheegay, iney dawlada kenya hayso, xog dhab ah, oo ku saabsan, iney Al Shabaab, kala soo dageen magaalada baydhabo, diyaarado la rumaysan yahay, iney saanad, iyo hub u wadaan Al Shabaab. Hadaba dawlada kenya, oo horeyba u sheegatay, iney duqeynayaan, sideed magaalo, oo Shabaabku aad u joogaan, balse hadiiba ay dawlada kenya bilawdo, hawlgalkan dhinaca cirka ah, ayaa ay suuragal tahay, iney meelo kale oo badan ka duqeeyaan dhinaca cirka.
Magaalada Baydhabo, ayaa ah, magaalo muhiimad xaga ciidamada ah u leh, ururka Al Shabaab, sida la wada ogsoon yahayna, waxaa magaalada u dhow, saldhigii ciidamada cirka ee dawlada Soomaalidu, horey u lahayd, laguna magacaabo Balay Doogle.
Saldhiga Balay Doogle, ayaa lagu tilmaamaa, iney Shabaabku si weyn u isticmaalaan, waana meelaha la rumaysan yahay, iney sahayda, iyo qalabka ciidankuba uga soo dagaan. Balse, wali ma kala cada, in saldhigana, xisaabta ugu jiro, meelaha ay ciidanka cirka ee Kenya, ku talo jiraan, iney duqeynayaan.
|