Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Ciidamo Ethopian ah oo hor leh oo ka  gudbaya xadka u dhaxeeya Soomaaliya, iyo Itoobiya

 

28.January.2012:- Ciidamo wata Gadiidka Dagaalka sida Taangiyo iyo gawaaridii u  xambaari lahayd goobaha Fog Fog ayaa hareeyay saaka buundada isku xirta labada Dolow ee Dalalka Ethopia iyo Soomaaliya.

Ciidamadan ayaan la ogeyn halka ay saaka ku wajahan yihiin hase ahaatee waxaa hadal haynta ugu badani sheegaysaa in ay ku wajahan yihiin Degmada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay oo ay haatan gacanta ku hayaan Xarakada Alshabaab.

 

Guud ahaan waxaa la xanibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo midka ganacsiga ee Degmada Dooloow Gedo Soomaaliya waxaana gaaf wareegaya gudaha Dolow Somaliya Ciidamo Ethopian ah oo aad u muujinaya Feejignaan .

Warar aanu ka helayno dadka u dhuun daloola xaaladaha iminka ee dagaalka Gobalka ayaa sheegaya in ciidamadani ay yihiin kuwii ugu badnaa ee dhawaanahan ka soo  gudba xadka kala qaybiya Dalalka Soomaaliya iyo Ethopia.

 

Waxaa la filayaa dhaqdhaqaaqani oo soo bilowdey  8:00 Subaxnimo in uu qaadan doono ilaa 2:00 Duhurnimo ee maanta xadiga ciidamada iyo gaadiidka dagaalka oo badan aawadii.Tanina waxa ay imaneysaa xili ay dagaalada Gobalka ee lagula jiro Al-shabab ay si kordhayaan isla markaana ay soo baxayaan talaabooyin muujinaya sii wiiqitaanka Awoodii Al-shabaab.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo shalay Galab Shir ku qabtay Magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in Ciidamadooda ay tagi doonaan Gobolo hor leh oo kabaxsan Gobolka Hiiraan isla markaana ay la dagaalami doonaan Al-Shabaab



Malez Zanawi oo shaaciyay in ay Beledweyne ka gudbayaan, Soomaaliyana aysan ka baxayn, ila Amisom la wareegto goobaha ay joogaan

 

28.January.2012:-Ra’isul Wasaraha Dowlada Dalka Itoobiya Malez Zanawi ayaa sheegay in Howlgalka ay Ciidamada Dalkiisa ka wadaan Soomaaalia uu yahay mid lagu taageerayo Dowlada Soomaalia iyo Howlgalka Amisom.

Shir uu saxaafada ugu qabtay Shalay Galab Magaalada Adis Ababa ayaa Malez Zanawi waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay sii wadida Dagaalada kadhanka ah Al-Shabaab si ay Dowlada Soomaalia utaageeraan.

Malez Zanawi ayaa Tilmaamay in Ciidamadiisa ay ka gudbi doonaan Magaalada Beledweyne ayna tagi doonaan deegaan kasta oo Soomaaliya ah hadii ay ka dalbato Dowlada Soomaalia.

“Ciidamadeena waxaa ay taageerayaan Dowlada Soomaalia, Waxaana ay tagayaan meel kasta oo Somaliya ah’ayuu sheegay Zanawi oo taabtay in qorshahooda uusan ahayn kaliya Magaalada Beledweyne.

 

“Waan Ka gudbi doonaa Beledweyne, Waxaana tagi doonaa Soomaalia gaar ahaan meelaha naloo cayimo’ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi oo shirkan qabtay xili Magaalada Adis Ababa uu kusugan yahay Madaxweynaha Soomaalia Sh Shariif ayaa waxaa uu taabtay in deegaanada ay Al-Shabaab kala wareegaan aysan ka bixi doonin inta ay Ciidamada Amisom ku wareejinayaan.

‘Qorshaha nooguma jirto in aan ka baxno goobaha aan AL-Shabaab kala wareegnay iyo kuwa aan usocono ilaa deegaanadaas ay inoogu yimaadaan Ciidamada Amisom’ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada kenya ayaa AL-Shabaab kula dagaalamay Beledweyne, waxaana halkaas ay noqotay mid kamid ah Magaalooyinka ay gacanta kuhayaan.

 

abdirisaaq hassan ceynte radio jigjiga nbi




 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.