
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Waardiyayaasha ceelasha biyaha ee magaalada Jigjiga oo la xidhay
Radio Jigjiga (Jigjiga) Qimayntii ku socotay shaqaalaha deegaanka gaar ahaan, xafiiska biyaha, iyo waaxyaha hoosyimaada ayaa lagu xidhidhay 28 xubnood.
Shaqaalahan la soo xidhay ayaa ah kuwii ilaalada ka ahaa ceelasha biyaha ee magaalada agagaarkeeda ku yaala, gaar ahaan qableeyada Qoordheere iyo Dudad hidi.
Waxaa lagu qiimeeyay ina ay iyagu ka danbeeyaan biyo la'aanta magaalada oo ay qasabadaha xidhaan ama xumeeyaan taasoo odayaasha magaaladu ay aad uga xumaadeen. hawshana ay ka danbaysay markii la qiimeeyay xafiisyada biyaha DDS iyo ka magaalada jijiga oo iyagu eedii biyo la'aanta magaalada ku weeciyay waardiyayaashii ilaalinayay ceelasha oo aan wax dhib ah galabsan halkaasoo xabsiga loo taxaabay 28 waardiye, arintan ayaa sidoo kale waxgaradkii magaalada fajac, iyo amakaag ku noqotay, iyagoo aad ula yaabay waxa ganacsatada ay madaxweynaha Kontoraada dhinaca biyaha wada qaataan, aan haba yaraatee waxba la odhanin, halka wardiyaashii laga ciqaabay.
28ka wardiyaha ah lama xidhin oo kaliya ee waxa lagu sameyey waxaan horey shaqaale loogu samayn taasoo ah, inta warqad ay ku qoran tahay tuug baan ahay shafka loogu dhajiyey baa magaalada la dhex mariyey, daanyeerku cidse wax ma yeelin ee isagana sidaas ayuun baa magaalada loo dhexmarin doonaa.
Dhinaca belaha ay ka soo wada jeedaan waa sidan: 8 waa beesha Abaaskul, 11 Bartire, 3 Yabare, 2 Shekhaash, 2 Akisho,1 Samaron, 1ka soo hadhayna waa Weyteen Absame. Ninkan dambe waxaa la sheegay inuu Cabdi Iley si gaar ah u codsaday in loogu daro, waayo waxaa la sheegay iney reer ahaan aad iskugu dhawaayeen sarkaalkii onlf, ee bilo ka hor kenya lagu dilay.
Dhaliisha biyo la'aanta magaalada oo mudaba soo jiitamaysay isla markaana shirkadihii gacanta ku hayay iyo xafiisyada ay khusaysaa ku guuldaraysteen inay magaalada biyo la gaadhsiiyo ayaa muuqata in hawshu noqotay in masaakiin lagu xisaab xidho aad u tamar daran, oo waardiyayaal ahaa dhaxantuna ku dishay ilaalada ceelshaasi magaalada biyaha u keena iyagoo waliba dhulkoodii ay ceelashaasi ku yaalaan isla markaana biyaha toos magaalada loogu jiiday oo aan xiitaa wax qasabado ah dadka deegaankaasi aan loo samaynin. Waxaa la yaab leh sida ay waardiyayaal magaalada biyo la'aanteeda uga noqon karaan masuul iyagoo xirfad iyo aqoon ay biyaha magaalada ugu soo daayaan ama kaga jaraan aan lahayn.
Dulmiga ka jira jijiga ayaa hawshani ka mid tahay iyadoo maalmahan magaaladu bandoo ahayd isla markaana in ka badan 1200 dadaka magaalada xabsiyadii buuxiyeen, 800 oo dakan ka mid ahna laga keenay gobolada Ogaadeenka dago, badankoodna lagu soo xidhay oo kaliya; "Cabdi Iley ayaa codsaday xadhigooda".
Dhinaca kale, buufiska madaxwaynuha ayaa lagu soo waramyaa inuu heerkii ugu sareeyay gaadhay isla marakaan uu dareemay ina nabadgalyadii farihiisa ka sii baxayso, islamarkaana aad arkaysid necbaansho aan horay deegaanka loogu arag oo dadka local-ku u hayaan madaxweynaha, iyo dadkuu wato. Waxaa kaloo ay dadweynaha magaaladu isla dhexmarayaan hdal haynta, wakhtiga ay dadka reer Jigjiga gacmahooda ula tagayaan dulmi wadayaasha in Ilay.
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |