
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Ceebey tacaala bah bililiqo miyey waasheen, mise balaayo kalaa wadata? maxaa Garaadnimadii Bare Jidwaaqna geeyey Birqod? mise waa bilawgii, dhamaadka Garaadnimada Bartire?
Radio Jigjiga (Jigjiga) Ninbaa horey u yidhi, markaan iska daayaba, hebelbaa i xusuusin!, war gurigood gubte, ilma bililiqo may hawada iiga baxaan, waxaa maanta lagu soo qorey boggii dacaayada ee bah bililiqo, arin nin kasta oo damiir dhaqameed ku jiro, ama xeerarka dhaqanka Soomaalida rumaysani uu ka xumaado. Sida lagu soo qorey Cakaaranews, waxaa bisha soo socota ee February, shanteeda, 2012, magaalada Birqod lagu qabanayaa caleemo saarka Garaadka beesha Absame, markii mid ka mid ah hawl-wadeenada RJ, uu ii soo sheegay in caleemo saarkan la dhigayo, laguna qabanayo Birqod, baan u qaatay, in nin kale oo Absamaha kale ah, siiba labada jilib ee Birqod wada dega (Wayteen Absame, iyo Maxamed Subeyr) si ku meel gaadh ah, ama si kale loogu caleemo saarayo Garaadnimada Absame, markii aan indhahayga ku soo akhriyey in Garaadka la caleemo saaraya uu yahay Garaad Maxamuud Dool, marka hore waan ku farxay in si buuxda Garaadka loo aqoonsado, balse waxaa igu soo dhacay, kaalay miyuusan Garaadku Bartire Jidwaaq ahayn? aaway dhulkii Bartire, ma xalay buu Cabdi Iley xaga Marsin u raray? aaway Shabeeley, Xaadow, iyo dhulkii boqortooyadu, nimaan guri lahayn, ama la damacsan yahay in laga wareejiyo gurigiisa ayaa, guri kale lagu caleemo saaraa! arintani waa ceeb, iyo fadeexad, hase kaba hadlin waayo kooxdu waa bah wax walba boobe! waa caadkood, iyo cibaaradood, tolow maantana yey ku bah dilayaan?.
 Bartire, ma Falastiin buu noqdey, ileyn iyagaa Tuunisiya, iyo Khartuum ku shira, madaxdoodana ku caleemo saartee. Jigjigadoodii hadey magaalo weyn oo buuq badan noqotey, ama si kale wax u jiraan aaway Shabeeley?. Markaan qoraalkooda akhriyayey baan la yaabay waxa nimankan Bartire, iyo Jidwaaq ku direy, tolow ma nalooga faaliyey, waa yaabe, waayo intaas ay Absamaha hayaan, xataa magacii Jidwaaq, ama Bartire hal mar kumay soo qorin. Waxaa la odhan karaa odayga Garaadka ah nimanku xoog bey ku haystaan, koox uu Cabdi Iley horjooge u yahay, ninka sharaf ka suga ayaaba ka xun, sidaanse arko nimanku ceeb Absame dhexdiisa ka dhacda ayey soo wadaan.
Maalin dhawayd ayey sawirkii Sayidka soo galiyeen boggooda, macnaha Sayid jaceyl kama aysan ahayn, ee waxay ka ahayd, Jidwaaqna ku xumee, taageerona ku hela, Jidwaaq sayidka halyeynimadiisa ma diidana, balse kuwa sida xun ugu faana ayey diidan yihiin, Sayidku haduu maanta nool yahay, Cabdi Iley wuxuu ugu yeedhi lahaa "wadaadku waa argagixiso". Kooxdu waa khaaimiin, alla, iyo Nabiba ka furtay, waa koox ku caana maasha, ceebaynta, iyo waxyeelaynta dadkooda.
Si kastaba ha noqotee, reer Bartirow, Garaadnimada magaceeda waad wada leedihiin, oo Jidwaaq oo dhami wuu wada leeyahay ee reer Dool gooni uma laha (fadlan halkan xumaan ha u arkina, reer Garaad Dool, aad baan u xushmeeyaa, kuwooda meeshan nala joogaana wey ogyihiin, sidaan fadhiga uga kaco, balse ma ogoli in magacayga la bah dilo, waana inaan ka dagaalamo, intaan heli karo) ceebtana iska leexiya oo odayga hadiiba la caleemo saari, dhulkiina, iyo gurigiina ku qabta xaflada, waxani waa is daciifin, iyo is bahdilid taariikhdana wey idiin gali doonta, ninkii Jidwaaq ah ee Birqod lagu caleemo saarana, waxaa la odhan karaa waa Garaadka Birqod, Jidwaaqna ma matalo,waxba yaanan laydiin kugu soo gaban Absame dhulka ma kala laha, iwm, dhulkiina loo socdaa, sidaad ku jeedaana waad dhaxal guurteen, war is badh qabta, oo boqortooyadiinii soo ceshada, ama RJeyna aynu ugu darno, ileyn cid kale idiinma hadashee,. Anigiina Cali Dhuux baad iga dhigteen, idina ceelkiinii rag kalaa ka cabaya! (kaftan)
Hoos ka akhri qoraalkii aanu horey uga diyaariney arintan markay bilawga ahayd, inkasta oo aanu wakhtigaas fashilinay, hadana Dhurwaa arka, Adhi, ay gabadh foodley ahi la joogto, marnaba ma quusto!, RJeyna yurta ma daayo.
Bililiqadii ugu weynayd abad, ee ku dhacda Jidwaaq Absame, oo bah bililiqo dabaal-dageeda ku qabanayaan magaalada Jigjiga
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |