Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Cambaareyn kulul oo ku jeeda madaxweynaha deegaanka, kana timid aqoonyahanada deegaanka ee qaarada Yurub

Ururka aqoonyahanada deegaanka Soomaalida Itoobiya ee qaarada Yurub, gaar ahaan magaalada London, ayaa cambaareyn, iyo edayn aad u daran u soo tabinaya madaxaweynaha deegaanka Cabdi Iley, iyo guud ahaan maamulkiisa, ku sii sifoobaya musuqmaasuq, eexashada, iyo xatooyada hantida dadweynaha.
Baaqan ayey aqoonyahanadani ku cambaareynayaan madaxweynaha deegaanka, inuu been abuur, iyo hafrasho ku sameyey shacab weynaha deegaanka, isagoo bey yidhaahdeen, aan wax horumar ah oo la taaban karo aan deegaanka u samayn, uu maalin walba ka sheegto warbaahinta uu hantidii shacabku u baahnaa ku lumiyey, inuu horumar u keenay deegaanka, aqoonyahanadan ayaa is weydiiyey, horumarka uu sheegto ma wuxuu ula jeedaa, boobka, iyo bililiqada ay isaga, iyo kooxdiisu ku hayso hantidii deegaanka?, maadaama aysan shacabku wax loo qabtay arag.
Baaqa Qurbajoogata
Aqoonyahanadan, ayaa sidoo kale ku sii cambaareeyey maamul xumada, iyo nabad galyo darada ka sii daraysa inuu isagu ka masuul yahay, iyagoo cambaareyntooda sii wata, ayey sheegeen, in wakhtigan hada ah, aysan shacabka deegaanku u baahnayn faan, iyo caleemo saar, aan dhamaad lahayn, misana been ah oo Cabdi Iley, iyo kooxda hantida shacabka la boobtaa ay dibad, iyo gudaba ka wadaan.
Sidey hadalka u soo dhigeen "shacabka deeagaanka ayaa maanta la itaal daran biyo la'aan, iyo adeeg la'aan xaga dawlada uga timaada" Waxaa kale oo aqoonyahanadani ku cambaareeyeen madaxweynaha deegaanka, inuu u adeegsaday hab qabiil, iyo ujeedooyin siyaasadeed riigagii dhawaanta la sooo ibiyey, taaso bey leeyihiin, uu qodista ceelasha ku abaal mariyo yaa ila beel ah, ama hab qabiil, taasoo dhibaatada biyo la'aanta aan loo eegin, sidey deegaanada ugu kala weyn tahay, balse loo fiiriyo beeshee, beel ahaan ugu dhow Cabdi Iley, arintan ayey ku tilmaameen iney tahay dambi culus oo Cabdi iley kula kacayo beelaha kale, waxay kaloo ku tilmaameen iney arintani tahay ceeb, xishood daro, iyo karaamadii oo uu ka qaaday dawladii deeegaanka, oo horeyba musuqmaasuq, iyo waxqabasho la'aan lasii ciireysay.

Dhinaca kale ayey madaxweynaha ku eedeeyeen, inuu biyo qodistii ay waajibka ahayd in si siman loogu qodo dhamaan degmooyinka deegaanka, uu iyana u adeegsnayo hab siyasaded, tusaale ahaana waxay u soo qaateeen, degmooyinka uu aaminsan yahay iney ka caawin karaan kusii fadhiga kursigiisa, in si dhaqso ah ceelal loogu qodo, halka kuwii kale oon, iyo haraad loogu dilo.
ugu dambeyn ayey aqoonyahanadani ugu baaqeen madaxweynaha deegaanka inuu shacabka deegaanka ka daayo, kala saarista, iyo kala soocida qabiilka ku dhisan, ee uu u daqmo sidii shaqsi masuul ah.

DHISMAHA URURKA, AMA XAFIISKA CUSUB, IWM. WAAN IDIIN SOO GUDBIN DOONAA GUDOOMIYAHA KUSII MEEL GAARKA AH MUDANE XASAN TOOB CARAALE

URURSMG@HOTMAIL.CO.UK


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.