Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Cakaaranews, oo la filayo iney wasaarada warfaafinta ee dawlada dhexe la wareegto maamulkeeda

Radio Jigjiga (Addis Ababa) 12-30-2011, Bogga Cakaaranews oo lawada ogsoon yahay cayda, iyo afxumada ay soo daabici jireen, ayaa waxaa dhacday in dacwooyin, iyo eed sheegasho aad u badan looga badiyey dinaca dawlada federal-ka, taasoo aakhrikii keentay in gabi ahaanba maamulkeedii lagala wareegay.
Sida hadaba warku sheegayo, bogga cakaaranews, ayaa markii ugu horeysay lagu arkay calaamadaha lagu yaqaano boggaga ay leedahay dawlada dhexe, taasoo ay ka mid tahay in afka Axmaariga lagu soo qoro, iyadoo laga dhigayo bog lagu qoro ugu yaraana laba luuqadood.
Breaking news
Sidoo kale, ayaa lagu xukumay Cakaaranews in wax walba oo ay soo daabacaan, loo sameeyo kayd warbaahineed (news archived) kadibna ay todobaad walba geeyaan xafiiska wasaarada warfaafinta ee Addis Ababa, iyadoo kaydkaasi ku duuban yahay CD. Bahda RJ, ayaa ku guuleystay iney Cakaaranews lugta u galiyaan dhibaato hor leh.
Inkasta oo sida warku sheegayo ay bahda Cakaaranews aad uga biyo diideen in lala maamulo, boggoda, ayeyse markii dambe dani u run sheegtay, kadib markii loogu goodiyey in gabi ahaanba laga xidhi doono, hadii aysan u hogaansamin amarkaaas, xaga Addis looga soo diray.

Baryahan dambe ayaa lagu arkayey, Cakaaranews, iney u bateen ka hadal, iyo wararka ku saabsan garabka onlf ee aan nabada qaadan, inkasta oo aan wax warar ah lagu tilmaami karin, ee ay tahay uun caydii, iyo af xumadii horey looga bartay Cakaaranews taasoo ay muujinayaan sida ay dagaalka warbaahinta ah kula jiraan onlf, lana moodo iney yareeyeen, caydii, iyo dhaqan xumadii ay ku hayeen beelaha, iyo shaqsiyaadka kale ee deegaanka ka soo jeeda, hadana wax cusub oo wanaag ah lagama filayo iney soo tabiyaan.

Dhinaca kale, sida deegaanka laysla dhexmarayo waxaa suuragal ah in gabi ahaanba albaabada layskugu dhufto bogga Cakaaranews. Dhinaca bahda Cakaaranews, ayaa isku dayaya iney badbaadiyaan inaan boggooda laga xidhin, taasoo halkay siyaasad cusub la imaan lahaayeen, ay ku mashquulsan yihiin, iney dadka uga waramaan ninka lagu magaaco Cadaani Hirmooge, iyo noloshiisa gaar ahaaneed, sida dadka soo akhriyey ay nasoo gaadhsiiyeena, waxay kala soo kulmeen yaxyax, iyo ineyba sii akhriyi kari waayaan waxyaabaha lagu soo qoray, taasoo sida ay sheegayaan dadkani ceeb, iyo bahdil ku ah dhaqankii gabdhaha Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha Absame, oo waxka sheega haweenku agtooda ka ahaa ceeb, iyo dhaqan xumo.

Ugu dambeyn, dad badan ayaa rumaysan iney cayda, iyo af xumada ku jeeda garabka onlf ee uu cadaani ka yahay gudoomiye ku xigeenka, ay qayb ka tahay wada hadalka la aaminsan yahay ee dhexmaraya dawlada Federal-ka, iyo garabkaas, balse madaxweyne Cabdi Iley, laga qariyey inuu ka qaybqaato, uu isaguna (Cabdi Iley) u adeegsanayo weerarkaas dhinaca saxaafada ah inuu ku fashiliyo wada hadalkaas, waayo sida la ogyahay Cadaani  waa masuulka onlf u qaabilsan wada hadaladaas. Arintana waxaa la odhan karaa, waa khiyaamo, iyo daacad daro uu Cabdi Iley dhinaciisa ka wado, waayo haday onlf, iyo dawlada Itoobiya si buuxda u heshiiyaaan, markaa Cabdi Iley, iyo kooxdiisa hada deegaanka xukunta, wax meesha u yaalaa ma jirto, waana sababtaas soo cusboonaysiisay cayda gaarka ah ee ku jeeda onlf, iyo madaxdooda.



 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.