Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Maxaa ka jira warka sheegaya in gudoomiyaha hogaanka nabadgalayadu uu ka mid ahaa madaxdii dhiibtay warbixinta ka dhanka ahayd madaxweynaha deegaanka?
breaking

Radio Jigjiga (Jigjiga) January-16-2012, Magaalada Jigjiga yaa waxaa laysla dhex marayaa warar sheegaya in madax sare oo ka tirsan dawlada deegaanku ay warbixin aad u dheer u gudbiyeen Wasiirka arimaha Faderaalka ato Shiferaw Tekle-Mariam, markuu qiimeynta u yimid magaalada Jigjiga bilihii ugu dambeyey ee sanadkii hore.
warkan oo aanaan wali helin cid noo xaqiijisa, ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee deegaanka DR. Suldaan Wali, uu isagu ahaa ninka hogaaminayey madaxdaas ka tirsan dawlada deegaanka ee sirta, iyo warbixinta qarsoon siisey wasiirka arimaha Federaalka, markuu qiimeynta Jigjiga u yimid.

Sida la sheegayo madax badan ayaa ka mid ahayd, kuwa warbaxinta qarsoon siiyey wasiirkaas dhinaca dawlada dhexe ka socday.
Hadaba inkasta oo aan si buuxda loo ogeyn magacyada, iyo shaqsiyaadka ay kala yihiin, ayaase si hoose magaalada Jigjiga layskula dhex marayaa in gudoomiyaha hogaanka nabadgalyada, iyo cadaalada ee deegaanka C/Laahi Itoobiya. uu ka mid ahaa madaxdaas tuhunka weyn laga qabo.
Sida nala soo gaadhsiiyey, gudoomiyaha ayaa wasiir Shiferaw Tekle-Mariam, kula kulmay magaalada Addis Ababa, ituusan xaga Jigjiga u soo ambabixin, kadibna markuu wasiirku Jigjga yimid, si dhuumaaleysi ah ugu mid wasiirka dabadeedna sidaas kula kulmay wasirrka, warbixintiina ku gudbiyey. Inkasta oo aan la aqoon waxa warbixintaas ku qornaa, hadana waxaa la rumaysan yahay, iney la mid ahayd, warbixinada ay madaxda kale madaxweynaha ka gudbiyeen.

Ugu dambeyn. warkan ayaa haduu run noqdo, xagal daaco weyn ku noqon doona xidhiidhka, iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa, madaxweyene Cabdi Iley, iyo madaxdan kale ee warbaxinta ka gudbiyey, si gaar ahaaneedna waxaa dhici karta in inbadan oo ka mid ah, madaxdan ka daba shaqeynta, iyo khiyaamada sameyey ay shaqadooda lumin doonaan. Inkasta oo aanu sameynay dhawr xidhiidh oo warkan ku tacaluqa, wali waanu ku daba jirnaa.

-la soco wararka dambe-

 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.