Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News
Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.

Breaking News: Madaxweynihii deegaanka oo magaalada Addis Ababa lagu xidhay
Radio Jigjiga Breaking News
Radio Jigjiga (Addis Ababa) War deg deg ah oo caawa naga soo gaadhay, xaga magaalada Addis Ababa, ayaa ku waramaya in madaxweynaihii deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, lagu xidhay xaruunta dhexe ee Boliiska dawlada  (federal Police central).
Federal Police
Sida hadaba warku nagu soo gaadhay, madaxweynaha ayaa si lama filaan ah, loogu soo xidhay, xabsi ay ciidamada Boolisku ku leeyihiin xaruunta dhexe ee Booliiska.
Sababta loo xidhay, wali si fiican uma kala cada, laakiin warar is khilaafsan ayaa kala sheegaya, in madaxweynaha uu gacan ka hadal dhexmaray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dawlada dhexe, kadibna uu Cabdi Iley ninkii si xun u feedhay, dabadeedna ay arintaasi keentay in sidaas madaxweyne Cabdi Iley lagu xidho.

Sidoo kale, ayuu war kale nagu  soo gaadhay, in Cabdi Iley, oo Hotel kula shiraya xubno ka tirsan qurbo  joogta deegaanka, ay dhawr nin oo Booliis ahi qolkuu ku jiray ugu soo galeen, kadibna u sheegeen in isaga loo soo diray, lagana doonayo xaruunta dhexe ee Booliiska.
Warka ayaa intaa ku daraya, in sidaa madaxwyne Cabdi Iley lagu xidhay, waxaa kaloo naloo sheegay in xubnihii qurba joogta ahaa, iyana laga ururiyey dhamaantood wixii baasabooro ah ee ay wateen loona sheegay, iney baasabooradooda ka soo doontaan taliska Booliiska ee magaalada Addis Ababa.
Dhinaca kale, wali waxba lagama oga sababta Booliiska loogu soo diray, cida u soo dirtay, iyo ujeedada loogu soo diray midna.
Si kastaba ha noqotee waxaa naloo xaqiijiyey xidhida Cabdi Iley, waxaanan sii daba gali doonaa sababta dhabta ah ee loo xidhay.

Madaxweynaha deegaanka ayaa sadexdii bilood ee la soo dhaafay aan xidhiidh wanaagsan ka dhaxayn, isaga, iyo dawlada dhexe, waxayna dadku isla dhex maraan, in is khliaafkan dhex yiilay, isaga iyo dawlada dhexe, ay sabab u ahayd tababarka looga furay magaalada Addis Ababa, arintan oo uu cabdi Iley mudo dhawr bilood ah ka caga jiidayey.
Ugu dambayn ma kala cada, in arintan xadhiga ahi, ay tahay, meeshii lama dhaafaanka ahayd, ee isaga dhabarka looga taaban lahaa, iyo inkale.


la soco wararka dambe!


 

 
radio on Facebook

beesha xasan Cismaan
Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar

video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.