Radio Jigjiga Home   
 Home Contact us Dhageyso RJ Opinion / Fikradaha Nala Soo Xidhiidh Suugaan RJ Library About Radio Jigjiga Search Send News Site Map
Radio Jigjiga; English News

Garaad Wiilwaal International Airport
Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.


Tooshka radio jigjiga
Bilawgii kacdoonka lagala horjeedo Cabdi Iley, iyo siduu ku bilawday (this is a must read article)

Cabdi Iley oo ku gubtay, dagaalkii warbaahinta ee uu la galay website-yada qaarkood

Radio Jigjiga (Jigjiga) Horaa loo yidhi "waxaadan aqoon u lahayn, waa lagu gubtaa" Cabdi Iley, ayaa cagaha uga gubtay dagaalkii saxaafada ee uu la galay. warbaahinta deegaanka wax ka qora, sida, boggan aad hada akhriyeysid oo kale.
Inta badan, warbaahinta qaarada Afrika waxaa maamula dawlada, suxufiyiintuna, maahan kuwo madax banaan ee hadba, waxaa u higaadiya, shaqsiga ay dawladaasi u shidan tahay.

Hadaynu ka hadalno, warbaahinta deegaankeena ka jirta, gaar ahaan warbaahinta casriga ah ee Internet-ka laga akhriyo, ama laga dhageysto, sida la ogyahay, waxaa jira hal website, oo ay dawlada deegaanku maamusho, web-kaasi waa CakaaraNews, boggan ayaa waxaa tafaaftire (editor), isla markaana maamula Cabdi Iley, ina Iley, maahan shaqsi aqoon saxaafadeed leh, amaba soo bartay cilmiga warbaahinta (journalism) ee waa nin isku daya, inuu waxyaabo badan oo uu arko dad samaynaya (copycat) iskaga daydo si macno la'aan ah, isagoon haba yaraatee, ka fiisan waxa gadaal ka iman kara (his lack of understanding, what the consequences, or outcome maybe).
Cabdi Iley oo ku gubtay, dagaalkii warbaahinta ee uu la galay wbsite-yada qaarkood
Marka nin madax ahi sii daayo, war, ama qabto shir jaraaid, iyana waa inuu awood u leeyahay inuu marka warkaasi, farahiisa ka baxo, uu xakamayn karo (controlling the news), macnaha waa in uu dhamaan saxaafada hal dhinac u jihayn karo, taasoo ah, inuu markale jidkiisa mariyo warbaahinta ka soo hor jeeda (controlling critics) balse hadii ay dhacdo in madaxdu tartan la gasho warbaahinta madaxa banaan, inta badan, guushu waxay raacdaa dhinaca mucaaradka ah.

Hadaba, Cabdi Iley, oo xariif ku ah, inuu badalo jihada wararka, gaar ahaan markuu siyaasad ahaan, boraamo ka dhaco, ayeyse nasiib wanaag, warbaahinta madaxa banaan sida Radio jigjiga, iyo Kilil5, ku gulaysteen, iney si cad u fashilan hadba sheekada uu Cakaara ku soo qoro, taasoo keenta, in markale, dib loogu soo celiyo, ka hadalka siyaasad, iyo maamul xumadiisa, isla markaana hogaankii warbaahinta, iyo tabinta wararka lagala wareego.
Tusaale ahaan, maruu isku dayey inuu dagaalka uu kula jiray saxaafada deegaanka lugta kala baxo, iskuna dayo inuu dadka u jiheeyo wuxuu sida weyn u yaqaanay, taasoo ah, inuu dad rayid ah, ama dad uu yidhaahdo wey hubaysnaayeen, oo indhahaa loo shiday, ayaa waxaa dhacday in baadhis Radio Jigjiga sameeyey ay cadaatay inuusan 17 nin dilin, ee hadalkaasi ahaa been abuurkii lagu yaqaanay, halkan ka akhri sida arintan loogu fashilay.

Hase yeeshee, markuu si fiican u arkay, in la fashilay, ayuu markiiba warkii cakaara ka saaray, laakiin sidaas kumuu aamusine, markale ayuu is fashilay, isagoo si jaahilnimo ah u soo caytamay.
Waxaa kaloo dhacday, inuu waalidiinta madax dawlada dhexe ka tirsan, iyana si masuuliyad daro ah u soo caayey, waalidkaasi waa Sheekh Cabdulaahi Yare (halkan Cabdi Iley, iyo dadka Cakaara wax ugu soo qora, sida ninka lagu magacaabo "Cabdiraxmaan Bootan" oo Addis Ababa jooga, misana Cakaara, Cabdi Iley, wax ugu qora, ay dambi culus,  is galiyeen, waayo waxaa jira sharci, dhinaca warbaahinta ah oo ay dawlada Itoobiya leedahay, kaasoo dhigaya "in warbaahinta dawladu leedahay, ama ay dawladu shaqaalaheeda mushahaarka siiso, ay  ka reeban tahay in nin madax ah lagu caayo, amaba waalidkiis lagu af lagaadeeyo).
CakaaraNews, sharcigan si cad bey u jabiyeen, dhamaan dadka wax ku soo qoraana waa dambiilayaal.

Sharcigan ayaa la sameyey sanadkii 1995kii.
Markale, waxaan aragnaa in jaahilnimada Cabdi Iley, ay tahay cadawga ugu weyn ee uu leeyahay, sida muuqatana waxaa suuragal ah, in qodobkan loo adeegsado xidhida, iyo soo af jarida CakaaraNews.
Cakaara Dambi
Sida laga warqabo, maahan markii ugu horeysay ee uu Cabdi jaahil, si been ah ama, sumcad dil (defamation) uu kula kaco shaqsiyaad aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn, wuxuu ku eedaynayo.
Tusaale ahaan; waxaa dhacady, inuu madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Jibriil ku sheegay inuu onlf, yahay, tana been iska cad bey ahayd, Cabdi Jibriil, arintani wey ka hoos baxday ee waxay ahayd inuu saxaafada ka hadlo, isla markaana dacweeyo Iley.
Sidoo kale, waxaa dhacday, inuu DR. Axmed Sheekh Maxamed, ku eedeeyey inuu jabhad mucaarad ah ka dhisay Kenya, iyana been kale, oo uu Iley soo qoray bey noqotay.

Gubidii Raaso, oo markale Cabdi Iley, guudka laga saaray!

Waxaynu isla aragnay, in Cabdi Iley, uu ku caan baxay, been abuur iska cad, iyo dad aan dambi galin, oo dambi loo yeelo, laakiin arinta gubida Raaso, iyadu maahan wax iska dhacay, ee waxay ahayd, dambi laga galay, shacbi aan cidna waxyeelin, balse iyaga hantidoodii dab la sudhay, lagana yaabo, hadii sidaas looga hadho, in dad badana lagu waxyeelaeeyo.
Sida cakaara lagu soo qoray, waxaa la soo qabqabtay, dadkii magaalada gubay, balse aynu isweydiine, sidey ku dhacdaa in markiiba, in iyadoon wax baadhis ah la samayn lagu soo eedeeyo, dad aan la hubin, iney gubista geysteen, iyo inkale, mase la socotaan in Sheekha lagu eedeeyey gubida waa Sheekh C/Qaadir Sh. Ibraaim uu yahay, kuu waxyee-layntiisa Cabdi Iley, ulo booc-booc ah ugu tukubayey (what convenience).
Mase la socotaan in ninka uu Cabdi Iley, u xilsaaray baadhista arintan, uu yahay ninka lagu magacaabo "Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane" ninkani waa taliyaha waaxda sirdoonka ee deegaanka, halkan ka akhri, arimo la xidhiidha ninkan. Si kastaba ha noqotee, waxay arinatni u muuqataa, in gubista Raaso, horey loo qorsheeyey, isla markaana dadka lagu eedeeyey, iyana yihiin, dad horeyba loogu talagalay, in dambiga gubida dusha laga saaro!.
Ugu dambeyn, waxaa inoo cadaatay, in Cabdi Iley, si buuxda ugu fashilmay, uguna gubtay beentii uu soo tabin jiray, misana si weyn looga badiyey, dagaalkii uu saxafaada madaxa banaan la galay.

-stay tune-


 

 
radio on Facebook
Hotel Plaza
Shaqsiga sida dhabta ah u leh, ama dhisanaya Hotel Plaza ee magaalada Jigjiga, oo su'aalo, iyo shaki weyni ka yimid


video games
Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
Waraaqaha Dadweynaha
RadioJigjiga@hotmail.com  Home  Contact Us Dhageyso Radio  Jigjiga  Opinion  Wararka Soo Dir  kor/Top
Copyrights © 2012 Radio Free Jigjiga. All Rights Reserved.