
 Cod u Qaadidii uu Radio Jigjiga Weydiyey Dadka Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Ku Saabsaneyd; Magac u Bixinta Airport-ka Caalamiiga ah ee Ku Yaala Caasimada Jigjiga, oo Laysku Raacay Magacii Loo Bixin.
| Cabdi Iley, oo looga shaki qabo, inuu isagu shaqsiyan amray gubida lagula kacay magaalada Raaso
Radio Jigjiga (Jigjiga) War deg-deg oo nalooga soo diray deegaanka Raaso ee deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in si ula kas ah dab loo qabadsiiyey, suuqyadii, iyo goobihii ganacsiga ee magaalada. Sida warku sheegayo, waxaa dab la qabadsiiyey, goobihii ganacsiga ee Raaso, goor subax hore ah ayaa waxaa dhacday in hal mar ay dadkii deganaa magaaladu ka war heleen, dab, cir, iyo dhul isqabsaday.
Dabkan, ayaa warku sheegayaa, inuu qasaare keenay, isla markaana, waxaa gabi ahaanba meesha ku busbeelay, hanti aad u farabadan oo ay lahaayeen dadka deegaanka Raaso. Dadka magaalada Raaso ayaa ku tilmaamay inuu dabkani ahaa mid ula kac ah, oo aan haba yaraatee loo aabo yeelin. Waxayna dadweynahani farta ku fiiqeen, in loo malaynayo, iney dabkan geysteen xubno ka tirsan maleeshiyada wali, ka amar qaadata Cabdi Iley. Meelaha gubashadu ku badan tahay, ayaa waxaa ka mid ah, bakhaaro waaweyn oo ganacsatada ay alaabtu u tiilay, sidoo kale waxaa la gubay, guryo ay lahaayeen dad qaraabo la ah, Sheekha lagu magaacabo Sheekh Cabdiqaadir. Sheekhan ayaa maalmihii ugu dambeysay hanjabaad, iyo u goodin, loogu soo qorayey, web-ka uu leeyahay Cabdi Iley ee CakaaraNews, halkan ka akhri, u goodintii, uu Cabdi Iley u goodinayey Sheekhan.
Sidoo kale, ayaa waxaa guryo badan laga gubay, odayaal ka soo jeeda degmada Raaso, kuwaas oo hada ka hor uu Cabdi Iley, xidhxidhay, iyana xadhigooda halkan ka akhri.
 Hadaba, sida aan war xogogaal ah ku hayno, waxaa dhacday in dhawr maalmood ka hor, uu Cabdi Iley, la soo hadlay nin ka mid ah dhalinyarada qora warsidaha Wabi Shabeele , waa ninka lagu magacaabo "Cabdulaahi Gariile" (sawirka bidixda) kaasoo uu Cabdi Iley, u sheegay hadal loo arkay inuu hanjabaad, iyo u goodin kale yahay. Hadalkan ayuu Cabdi Iley ku yidhi "markaan Jigjiga dib ugu noqdo, hadaan la yaabin waxaan sameeyo, iyo taan dadka qaarkiis ku dhigo" arintani maahan, been abuur, iyo iska sheeg-sheeg xaganaga ah ee waa hadal xaqiiq ah oo uu C/Laahi Gariile, ka soo xigtay Cabdi Iley, ninkan qora warsidaha Wabishabeele, ayaa isagu si buuxda had, iyo jeer ula hadla Cabdi Iley, waxaana haboon in la weydiiyo, wuxuu qoraa Gariile ka ogyahay arintan.
Dhinaca kale, hanjabaadan laga soo xigtay Cabdi Iley, ayaa markii la maqlay loo fasirtay, iney tahay, u goodin kale, oo ku socota shaqsiyaad reer Jigjiga ah oo kaliya, balse waxay hada u egtahay, inuu u hanjabayey cid kasta oo Cabdi Iley, necbaansho gooni ah u qabo sida shacabka uu aadka u dulmay ee reer Raaso.
Ugu dambeyn, waxaa la farayaa dhaamaan dadweynaha reer Jigjiga, iyo dadka kaleba in si weyn layskaga ilaaliyo, hagar daamooyinka uu maleegayo ninkan uu gabalkiisii dhacay, sida runta ahna, wax alla wixii dhib ah ee soo gaadha, dadka looga shakiga qabo inuu waxyeeleeyo Cabdi Iley, waa in eedeeda, iyo dhibkii ka yimaadaba isaga Cabdi Iley ah dusha laga saaro, sharcigana lala tiigsado.
-la soco wararka dambe-
| | 
 Beesha Xasan Cismaan oo hambalyo, iyo taageero buuxda u diraya madaxweynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud Cumar
 Video game-ka ay caruurtu ciyaarto oo lagu xidhiidhiyey, inuu caruurta u keeno dhaawac xaga maskaxda ah (brain damage)
 |